Muqdisho(ANN)-Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa guddi u saaray xalinta Khilaafka ka dhex aloosan Xukuumadda iyo aqalka hoose ee Golaha Wakiiladda Soomaaliya, kadib markii mooshin la doonayo in xilka lagaga xayuuubiyo Madaxweynaha loo gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Wakiiladda.

 “Guddoomiyaha AqalkaSare wuxuu xubnaha Guddigan kula dardaarmayaa isku duubni, dhexdhexaadnimo wax-ku-ool ah iyo inay u howl galaan si aan dhinac raac laheyn caaddaaladna kushaqeeyaan” sidaa waxa warbaahinta u sheegay sheegay Xogayaha Aqalka Sare, JaamacCali Maxamed.

Xubnaha Guddigan ayaa kala ah Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Juurinle,Gudoomiye, Cabdi kaafi Macallin Xassan , xubin, Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali.