Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay warar saacadihii u danbeeyay laysla dhex-marayay oo sheegayay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kasoo degayo Magaalada Hargeysa, isagoo uu weheliyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Abiy Axmed.


Wararka sheegaya imaatinka Hargeysa ee Farmaajo, ayaa si weyn u abuuray doodo xaasaasiya, isla markaana ka cadhaysiiyay shacbiga Somaliland oo weli ay dhegohooda kasii guuxayaan hadaladii Tiiq-tiiqsiga ahaa ee uu kaga hadlay dhibaabooyinkii Taliskii Maxamed Siyaad Bare u geystay Shacbiga Somaliland oo uu ku sifeeyay wax dhacay oo laga soo gudbay, isagoo kala xishooday inuu Afkiisa soo mariyo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana meesha ka saaray xasuuqii, tacadigii iyo gabood-faladii loo geystay Shacbiga Somaliland xilligii siideetanaadkii oo uu ku tilmaamay wax layska ilaabikaro.


Hase yeeshee Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo saaka la hadlay golaha Guurtida, wuxuu arrinta ku tilmaamay mid aan lagala tashan, isagoo dhinaca kale xusay inuu Ninkaa Madaxweynaha Soomaaliya tuurta ku sito sida uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed.

“Waar yaa yidhi, “Farmaajo Hargeysa ayuu imanayaa,” haddii uu yidhi, “Ninka Ethiopia haysta, waxaad moodaa inuu Madaxda Qaran isaga u arko, Haddii uu yidhaahdo waan keenayaa, masoo dhowaynayno. ” ayuu yidhi, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.


Waxa uu sheegay in marar baddan loo sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, in aannu Ninkaa Farmaajo {Madaxweynaha Soomaaliya} keenin Somaliland, “Loo sheeg, oo loo sheeg, Madaxweynuhu halkaas ayuu ka qayliyay, markii uu Addis Ababa joogay, markii uu soo noqday Madaxweynuhu {Muuse Biixi} , wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland soo faray Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, “waan imanayaa Hargeysa annagoo wada socona”, waar ilayn salidku sidaa moodeen maaha,, Annagu waxaanu leenahay, waar hanoo keenin. laakiin haddii uu isagoo xanbaarsan yimaado sida Walaxda ayuu beryahaa u sitaaye, midna waa soo dhowaynayaa, midna soo dhowaynmayno”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Guutida ee madasha golaha fadhiyay, ayaa dhawr goor hadalka ka dhexgalay, kuwaas oo sawaxan marba samaynayay, waxayna qaarkood ku tiraabeen in shuruud lagu xidho arrinta Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ku doonayo inuu Madaxweynaha Soomaaliya ku keeno Hargeysa, bale Guddoomiye Saleebaan, ayaa dhawaaq qalacaad ah kaga jawaabay isagoo leh, “Waar shuruudna ku xidhimaynee hanaga joogo, ayaanu leenahay oo la leeyahay, {shacbiga} dawladda ayaa tidhe ee aynu ku ayidno,”


Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guuritada Saleebaan, wuxuu ka hadlay dhawaaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo markii uu ku laabtay Muqdisho jeediyay, kadib kulankii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay ku yeesheen Addis Ababa, dhawaaqaa oo si weyn uga cadhaysiiyay shacbiga Somaliland, “Farmaajo Raaligelin (apologize) ma bixin, wixii uu yidhi, dib ayuu u cunay, denbigii wuxuu u qaybiyay Dadkii iyo Dawladdii dadkeeda dhibaysay, oo yidhi, “Qolo walba waa lahayd dhibaato”, waar dadweyne dhibaato ma keenee waa laga galabsadaa, haddiiba uu keeno Madaxda qaranku ma dadkay laynaysaa.” ayuu yidhi.


“Farmaajo Raaligelin (apologize) ma bixin,” ayuu ku celiyay Guddoomiye Saleebaan, waxaana mid ka mid ah Xildhibaanada Guurtidu ku tiraabay, “raaligelia kama rabnee oo uma baahnine hayna icitiraafo” Ma Dayib ayuu ahaa ninkii sidaa lahaa, waar Ninkaasi inna icitiraaf maayo, hadalkana dhigimaayo, innaguna yaynaan dhexdeena is tuhmin, mana aha meeshu Saleebaan iyo Muuse iyo inta kaloo ogol waynu wada dedaalaynaa ee waynu gaadhi lanahay, Carab iyo Soomaaliya ayaa qadiyadeena hortaagan.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guurtidu.


Mar uu soo qaaday kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo aanay xukuumadda Madaxweyne Biixi wax war ah kasoo saarin, wuxuu sheegay in Madaxweynu labada gole khudbad sannadeedii u jeedinayo, sidaa awgeed la sugo qudbadaa oo sida uu Guddoomiye Saleebaan ishaaray wax badan kaga hadlayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

AKHRI: #Farmaajo Oo Kala Xishooday Afkiisa Xasuuqii Iyo Tacadigii Taliskii Millateri Ee Soomaaliya U Geysteen Shacbiga Somaliland