guddoomiye saleebaanHargeysa(ANN)Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa magcaabay Jagada Xoghayaha Golaha Guurtida oo uu baneeyay Xoghayihii hore ee golahaa Cabdullaahi Dheere oo loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa xilkaa u magcaabay Cabdinaasir Aadan Beegal oo muda dheer kasoo shaqaynayay golaha Guurtida, wuxuuna Guddoomiye Saleebaan qoraalka magacaabista Xoghayaha galaha guurtida ku tilmaamay inuu yahay masuulka uu u magcaabay mid waaya aragnimo iyo khibrad u leh hawsha Xoghayaha golaha ee loo magacaabay oo muda dheer uu kasoo shaqaynayay.
IMG_0239
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380