Aadan JamaachooriHargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Prof: Aadan Jaamac Hoori ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Dubai ee xarunta wadanka Isku taga imaaraadka carabta.
Marxuumka, ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta, gaar aaan magaalada Dubai, halkaas oo marxuumku ku geeriyooday.

Prof. Aadan, wuxuu xilal Kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Somaliland, isagoo xilagana aha a Guddomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

Dhinaca Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka tacsiyeeyay Xisbiga iyo taageerayaashiisa iyo dhamaan shacbiga Somaliland geerida Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee UCID, Marxuum Aadan Jaamac Hoori oo uu ku tilmaamay shaqsi qiima baddan lahaa oo ka mid ahaa tiirarka Xisbiga UCID.

Aqonyahan Jamaal Cali Xuseen, wuxuu si gaar ah Tacsi ugu diray Qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo ehelkii uu ka baxay wuxuuna Illaahay uga bar yay Marxuumka inuu Janatul fardawsa ka waraabiyo, dhamaan Xisbiga UCID, Taageerayaashiisa, qoysii, eheladi iyo shacbiga Somaliland samir iyo Iimaan ka siiyo.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380