Col.afguduud
Boosaaso(ANN)Taliyihii Ciidanka Amaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso Col.Xasan Shire Ammaan, ayaa lagu khaarijiyay maanta gudaha magaalada Boosaaso.

Sarkaalka la dilay, ayaa muddo dhawr sanadood ahaa Taliyaha Madaarka, iyadoo aan weli si cad loo ogayn sababta dhabta ah dilkiisa iyo kuwa fuliyay, waxaana jira warar sheegaya Ciidamo ka wada tirsan Maamul goboleedka Puntland dagaal dhexmaray, taas oo loo aanaynayo inay xidhiidh la leedahay dilka Taliyaha Madaarka Boosaaso.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Col Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf(Afgaduud) oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dilka uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Col Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf(Afgaduud) ayaa tacsi u diray dhammaan qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Puntland ee u ka geeriyooday Col Xasan Shire Amaan , wuxuuna xusay in lagu daba joogo askarigii dilka geystay.

“Xaqiiqdii shil kedis ah bey ahayd, Askari ciidankiisa kamid ah ayaana falkaas geystay ,wuu fakaday oo arrin degdeg ah bey ahayd oo Askari iyo Taliyihiisii cid dabcan dhex Joogta majirto””ayuu yidhi.

Col. Afguduud, Waxa uu sheegay in askariga dilka geystay aanu shaqada ku jirin, balse maalmo ka hor shaqada saldhiga laga eryey xiliga uu dilka geysanayeyna uu Salaan u Istaajiyey Gaadhigiisa, balse rasaas ooda uga qaaday.

“wuxuu ahaa Askari aan shaqo hayn oo ahaa askari Saldhiga laga ruqseeyey ,saldhiga Albaabkiisayna ahayd ee gudihiisa muu gelin ,waa shil dhacay waana qadar rabaani ah””ayuu yidhi Afguduud.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380