Araweelo News Network

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Isla markaana ah murrashaxa Madaxweynaha, ayaa si adag uga digay khataraha Jamhuuriyadda Somaliland kaga iman kara go’aamo ka soo baxay shirweyne arrimaha dalka Soomaaliya lagaga hadlayey oo dhacay magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska toddobaadkan.

Muuse Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhoweeyey taageerayaal ku biiray, wuxuuna si cad uga digay shirkaas iyo natiijada ka soo baxday, waxaannu naqdiyey go’aanka beesha caalamku ku gaadhay inay garab-gasho Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin u soo biyeystay inuu dhiso ciidammo uu Somaliland ku weeraro.
“Toddobaadkan shir baa lagu qabtay London, shirkaasna waxay caalamka yidhaahdeen aynu caawinno Soomaaliya, laakiin lama odhanin Somaliland ma joogto, intii horena lacag baa la dooni jirey oo madaxdii hore waxay odhan jireen dhaqaale ayaannu rabnaa oo dadkii baa abaaro ku dhaceen oo naga qaxooti ah ee na dhisa aannu dawladda dhisnee, laakiin waxa yimi wiil firfircoon oo adeerkii la sansaan ah oo yidhi ciidan ha la ii dhiso aan dagaal tago’e,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu su’aal geliyey ujeeddada loo dhisayo ciidammada loo samaynayo Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in Somaliland oo hore xasuuq iyo dhibaatooyin kaleba loo geystay aanay weli u hollan dhisme ciidan oo colaad huriya, “Ciidanka Farmaajo loo dhisayo ee uu doonayaa cidda uu dagaal tegayaa wa ayo? Xataa innaga oo wixii la ogaa innagu dhaceen oo diyaaraddii Hargeysa ka kacday ina duqaysay waynu ka baqaynaa inaynu waxeennii sheeganno oo waxaynu nidhaahnaa ictiraaf baynu doonaynaa yeynaan waxba sheegan.”
Waxa kaloo uu bulshada caalamka ee u heellan inay Soomaaliya ciidammo u dhisaan weydiiyey dareenka ciidankaasi gelinayo bulshada reer Somaliland ee xasuuqa iyo dhibaatooyinka gabbood-falka ahba loo geystay, waxaannu yidhi, “Waxaan weydiinayaa Farmaajo iyo qoladan wadata ninkii wax dilay ee wax xasuuqay marka uu maanta ciidan dhisanayo kii uu xasuuqay ee uu diyaaradaha la dhacay ee maydkiisa iyo qaxootigiisu banka wadhnaa muxuu yeelayaa? Geeska Afrika sidaas maku degayaa bay idinla tahay? Raggii dhintay miyeynu khiyaamaynaynaa oo waxaynu odhanaynaa kuwaasi ha iska dhinteene annaga uun hanna laynina?”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu si cad u sheegay inuu ciidammada loo dhisayo Soomaaliya u arko dagaal qaawan oo Somaliand lagu soo qaaday, “Caalamka waxaannu u sheegayna ama London haku shiro ama New York haku shiro’e ciidanka Farmaajo loo sameeyo ee maanta dawladdaas Muqdisho kaligeed loo abuuro waxaannu u aragnaa dagaal cad oo Somaliland lagu soo qaaday ninkii doonaaba haka qaybgalo’e.”
Sidoo kale, waxa uu ka sheekeeyey sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u midoobeen iyo sidii ay u kala tageen, isaga oo caalamkana u sheegay in aanay garwaaqsan doonin in labadii dal midna ciidamo loo dhiso mid la iska illaawo, “Laba dal ayaannu ahayn oo xoog iskumaannu qabsan oo namay qabsan oo isumaannu dhiiibin. 1960-kii baannu heshiis midnimo galnay, 1991-kii buu dumay oo nin walba dantiisa ayuu u dhaqaaqay Somaliland iyo Soomaaliya, garan mayno, caalamkana ka garawsan mayno ninna waannu soo hubaynaynaa si uu kuu qabsado adna sii hurud, taasina socon mayso nabadna lagu heli maayo,” ayuu yidhi murrashaxa KULMIYE.
Dhinaca kale, Md. Biixi waxa uu xusay in baahi badan loo qabo in marka la joogo gudaha Somaliland ay siyaasiyiintu si hufan oo sarraaxad leh u wadahadlaan, isla markaana dhaliisha iyo wax-isu-sheegga loo gudbiyo si sharaf ku dheehan tahay.
“Haddii aynu isu nimi oo aad KULMIYE nagu taageerteen waxa wanaagsan inaynu isla garanayo waxyaabaha aynu doonayno. Ugu horreyn, KULMIYE ahaan waxaynu heshiis ku nahay cabsida Ilaahay, qarannimada Somaliland iyo inaynu dhexdeena is ixtiraamno oo sidii dad gob ah u wada dhaqanno oo haddii qofku cid dhaliilayo si gobanimo leh u dhaliilo, haddii uu talo bixinayona si gobonimo leh u bixiyo, taas oo ah edaabta adduunka oo dhan ku dhaqmo.”
Waxa uu ku faanay in ku dhaqanka caddaaladdu tahay astaan xisbigiisa KULMYE diyaar u yahay inuu ka gun gaadho, “Dawladda la dhisayo ninka madaxda ka ah waa bani’aadam oo wuu qaldami karaa, laakiin waxa aynu isku dardaaraynaa in inta ugu badan caddaalad wax lagu maamulo, dadkuna sida ay xaqa u kala leeyihiin wax loogu eego oo xaqaasi aannu noqon ka tirada badan keligii inuu iska dhaqaaqo, dadka meel wada deggenna Ilaahay baa kala badiyaye caddaaladdu waxay ugu dhawdahay in ka badan ee codka badan helay uu ka yar ee codka yarna tixgeliyo oo uu dawladda iyo qarankaba inuu wax ku leeyahay ogaado. “Markaynu dawlad nahay waxa loo baahan yahay in aynu halka gorgorku wax ka eego ka eegno oo aynu qaranka oo dhan eegno, haddii ninka meesha la geeyo la yidhaahdo abti iyo adeer sidee qaranka loo maamulayaa? Idinkaa la idinka rabaa qaranka inaad kor u qaadaan oo aad dusha ka eegtaan,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha ee KULMIYE.