Araweelo News Network

Mohamoud Hashi Abdi

Hargeysa (ANN)- Guddida Heer qaran ee Qaadhaan-ururinta 18-ka May, ayaa soo bandhigay lacagta loo baahay in bulshada laga ururiyo muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 18-ka May, kuna eeg 26-ka June 2017, lacagtaas oo dhan $10 milyan oo doollar.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Qaadhaan-ururinta Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo ay xubnaha guddidu ku qabteen xarunta Madaxtooyada, waxa uu ku baaqay in bulshadu u wada diyaargarawdo ololaha qaadhaan-ururinta ah ee lagu kaalmaynayo bulshada abaaruhu saameeyeen, isla markaana lagu hirgelinayo mashaariic lagaga hortago dhibaatooyinka ka dhasha abaarta.
“Bulshada marka ay duruufo badan ay hafiyaan, waxa waajib ku ah inay ka dabbaashaan oo la yimaadaan maskax iyo qorshe ay kaga gudbaan. Hoggaamiyaha ummaddaasna xil weyn ayaa saaran inuu markaas ummaddiisa ku jiheeyo qorshihii ay kaga bixi lahaayeen. Madaxweynaha Somaliland waa hoggaamiyaha qaranka oo dhan, waana Madaxweynaha ay doorteen, koox gaar ah iyo xisbi gaar ah madaxweyne uma aha ee bulshada oo dhan ayuu u yahay hoggaamiye,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Waxaannu intaas ku daray; “Xuska maalintii qarannimada ee 18 May lama yarayn oo lama bakhsin, waana maalin qarannimada ummaddan ah oo ah maalintii qaranku la soo noqday madaxbannaanidiisa, waana maalin ku weyn, kuna xardhan taariikhda iyo quluubta dadkan, waxase Madaxweynuhu lagama maarmaan u arkay markii uu la tashaday dad fara badan oo waxgarad ah, kana mid ah qarankan in aanay maanta mudnayn xaflado lagu dul sameeyo ummaddan baahan, balse ay mudan tahay inay isku gargaaraan oo isku damqadaan. Qaabka qaadhaan-ururintuna waxa uu ahaan doonaa mid bulshada loo soo bandhigo, iyadoo 27 June 2017 lagu dhawaaqi doono lacagta soo xerootay muddada hawsha la waday ee ka bilaabmaysa 18 May ilaa 26 June, waxaanna ka hawlgeli doona ilaa kun qof oo dhallinyaro mutadawaciin ah oo xaafad walba mari doona, dhammaanteena waxa aynu mashquul ku noqon doonaa in aynu qaadhaan ururino, iyadoo dhallinyaradaasi ay xidhnaan doonaan calaamado lagu garto.”
Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa isna iftiimiyey hawlaha shaqo ee loo xilsaaray guddida heer qaran ee Madaxweynuhu magacaabay.
“Guddida waxa Madaxweynuhu u xilsaaray inay ka taliyaan amma ka soo fekeraan sidii dadka ay abaaruhu saameeyeen ee baro-kacay looga hawlgeli lahaa ee loo kabi lahaa, haddii ay tahay sidii dib loogu xoolayn lahaa, haddii ay tahay in beero loo sameeyo amma sidii looga fekeri lahaa in la sameeyo seerayaal daaq iyo baad u ah xoolaha, sidii looga faa’iidaysan lahaa, loona qaban lahaa biyaha roobka ee xilli kasta ina dhaafa ee badda ku darsama, lagana fekero in aanay biyo dambe ina dhaafin,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in guddidan qaadhaan-ururinta ee 18 May la isugu geeyey qaybaha kala duwan ee bulshada, dawladda iyo ganacsatada sidii looga wada shaqayn lahaa qorshayaal lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saameeyeen, iyadoo guddidaasi shaqayn doonto muddo 45 maalmood ah oo ku eg ilaa 26 June 2017.
“Waxa qorshuhu yahay in laga bilaabo 18 May ilaa 26-ka June qaybaha kala duwan ee bulshada laga ururiyo lacag ku dhaw ilaa $10 milyan oo doollar, markaa waxa aan ka codsanayaa dadweynaha in hawshaas loo diyaargaroobo, cid walbana isku diyaariso sidii ay wax ugu darsan lahayd qaadhaanka la ururinayo,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo xubin ka ah Guddida heer qaran ee Madaxweynuhu magacaabay, ayaa sheegay in daraasado badan oo la sameeyey lagu ogaaday in laba arrimood ugu muhiimsan yahay wax ka qabashada saamaynta ka dhalatay abaarta.
“Laba shay ayaa sal u ah inay abaarta dadku dhaqaaqaan, waana biyo-yaraan iyo baad-la’aan oo ah dhulkii oo xaalufay iyo biyaha oo aan jirin, waxaana labadaas lagaga gaashaaman karaa in ku-talo-gal laga sameeyo xilliga aanay abaaruhu jirin, waayo waa mashruuc dheer runtii, waxaana halkan laga sheegay qiimaha ku baxaya mashruucan oo ah $10 milyan oo doollar, runtiina lacag yar maaha, laakiin hawsha lagaga hortagayo ayaa haddana mar walba ka baaxad weyn,” ayuu yidhi Mustafe Sacad Dhimbiil.
Xubno ka mid ah Guddida Madaxweynuhu magacaabay oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan soo gaadheen dadka reer guuraaga ah amma xoolo dhaqato-beeralayda ah ee abaartu saamaysay, kuwaasoo ay xuseen in haddii aan laga taageerin in xoolo loo iibiyo, loona qodo beeraha soo geli doona magaalooyinka, kadiba sababi kara dhibaatooyin kala duwan oo saameeya bulshada, waxayna ku baaqeen in xuska 18 May loogu diyaargaroobo qaadhaan-ururinta la samaynayo, muwaadin kastana laga doonayo inuu bixiyo wax kasta oo uu ku caawin karo dadka ku caydhoobay abaarta.