Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qodobo kala duwan oo ay kula taliyeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xal u raadiyo muddada uu hayo xilka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in Madaxweynaha cusub oo marti-qaadku xagiisa ka yimmi ay isla soo qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha khuseeya danaha guud ee qaranka Somaliland.

“Annagu ka xisbi ahaan, talooyin ayaannu halkaa ka soo jeedinay, talooynkaas waxa ugu horreeyey in la hagaajiyo nidaamka doorashooyinka ee mustaqbalka, oo waad ogeydeen oo waxaynu galnay doorasho, waxaynu ku galnay diiwaangelin.

Diiwaangelintu waxay ahayd diiwaangelin wanaagsan oo casri ah oo dadka lagu kala reebayey indhahooda, lana sifeeyey, liis baanna laga sameeyey, laakiin, nidaamkii lagu kala reebayey dadka maalintii doorashada muu oolin, taasi waxay suurtogelisay sida aannu ku kalsoonnahay musuqmaasuq badani inuu dhaco, dad badan oo meesha joogayna inay codeeyaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kaloo uu ka hadlay arrimo kale oo ay u soo jeediyeen xukuumadda Muuse Biixi inay wax ka qabato, isagoo qodobadaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi;
• Waxaannu soo jeedinay in si aan muran dambe iyo xasilooni-darro dambe dalka uga dhicin nidaamkeena doorashada la hagaajiyo, oo nidaamkii casriga ahaa ee aynu ku galay isha diwaangelinta la keeno maalinta doorashada, si aanay arrintaasi mar dambe waddankana khalkhal u gelin, ammaankiisana wax ugu dhimin.
• Waxaannu u soo jeedinay xukuumadda cusub, waad ka warqabteen oo dad baa ku dhintay, kuna dhaawacmay magaalooyinka Ceerigaabo, Burco iyo Hargeysa, qaarna ay maanta yaallaan weli cusbitaallada Hargeysa, oo kuwii ugu dambeeyey ee aan dorraadto (maalintii Sabtida) soo booqday niman dhallinyaro ahaa oo rasaasi ku dhacday oo jaban, oo yaalla cusbitaalka guud ee Hargeysa, cusbitaallada kalena way yaallaan.

• Waxaannu u soo jeedinay xukuumadda cusub in dadkaas aan waxba galabsan ee aan hubeysnayn ee qaarna dhinteen, qaarna dhaawacmeen in xukuumaddu mag-dhawgoodii bixiso.
• Waxaannu u soo jeedinay in muwaadiniin badani oo reer Somaliland ahi oo xaataa is-diiwaangeliyey aanay u suurtogelin inay coddeeyaan (doorashadii u dambaysay). Waad ka warqabtaan oo diiwaangelinta waxa galay siddeed boqol iyo toddobaatan kun (870,000), waxanna coddeeyey shan boqol iyo siddeetan kun (580,000), oo xaataa saddex boqol (300,000) is-diiwaangeliyey ayaan coddayn, in badan oo muwaadiniin ah oo xaq u lahaydna may is-diiwaangelin, gaar ahaan gobollada bariga ee Sool iyo Sanaag.

• Waxaannu u soo jeedinay in diiwaangelintii (codbixiyeyaasha) dib loo furo, oo dee muwaadiniinta xaqa u leh inay is-diiwaangeliyaan.
• Waxaannu u soo jeedinay in dhaqankii xummaa ee ahaa muddo-korodhsiga aannu ku soo noqon Somaliland oo doorashooyinku waqtigii loogu talogalay qabsoomaan, wixii ka qabyo ahna iyo haddii ay saami-qeybsi tahayna la dhammeeyo waqti munaasib ah, si aanay doorashooyinku u noqon wax caado ah inay dib u dhacaan, dhammaan Golayaasheenna haddii ay Baarlamaan tahay, haddii ay Deegaan tahay iyo haddii ay Golaha Guurtida tahayba iyo haddii ay Madaxtooyo tahayba.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in maamulka Somaliland loogu fidiyo degaannada fog ee bariga dalka, waxaannu yidhi; “Waxa aad ka warqabtaan Somaliland weli maamulku kuma wada fidin, dad badan oo reer Somaliland ah oo doonayey inay nidaamkii Somaliland ka mid noqdaan, oo Khaatumo ka mid tahay, oo maamulkeennu meelo aannu gaadhini way jiraan. Dadkaasi waxay doonayaan oo ay jecel yihiin inay Somaliland-ta ka mid noqdaan, si loo helo Somaliland la wada leeyahay. Waxay codsanayaan oo ka mid ahaa in dastuurka la furo.

Waxaannu u soo jeedinay, iyada oo laga wada-tashanayo in dastuurkuna uu noqdo wax la furo, si loo helo dhammaan dadka danaynaya inay Somaliland ka mid noqdaan.”

Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale sheegay inay Madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisa kula taliyeen in wax laga qabto dhibaatooyin kala duwan ee waqtigan haysta bulshada reer Somaliland, kuwaas oo ay ugu horeeyaan sicir-bararka oo uu xusay inuu cidhiidhi geliyey noloshada dadweynaha.

Waxaan ku soo gunnaanadayaa, oo aannu xukuumadda cusub u sheegnay in doorka xisbiga WADDANI uu yahay sida sharcigu farayo door xisbi mucaarad ah oo adag Insha Allahu, waxaannu u soo jeedinay inay xukuumaddu u dulqaadato mucaaradada iyo saxaafadda labadaba, waxa aannu ka hadalnay xadhigga suxufiyiin xidhan.

“Waxyaabahaasi waxa ay ahaayeen waxyaabihii aannu kala hadalnay amma aannu u soo jeedinay, taageerayaashayadana runtii hawadda ayaannu u marinaynaa, kulanku intaas ayuu ku koobnaa, waxanna laga yaabaa in burubogaandho badan laga fidiyey kulanka, laakiin waxaannu gaar u leennahayna iyo mucaaradnimadana gaar ayaannu uga shaqeynaynaa, wixii qaranku wada leeyahayna, taladeeda qeyb baynu ka nahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.