Guddoomiye ku Xiigeenka Koowad iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo warbixin ka siinaya Madaxweynaha hawsha Kaadhadhka shirka golaha dhexe 28 Oct 2015, xarunta Xisbiga KULMIYE

Guddoomiye ku Xiigeenka Koowad iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo warbixin ka siinaya Madaxweynaha hawsha Kaadhadhka shirka golaha dhexe 28 Oct 2015, xarunta Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(ANN)Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa kusoo dhoweeyay maanta Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo u tegey xarunta si uu isaga diiwaangeliyo, iyadoo hawsha diiwaangelinta Kaadhadhka shirka golaha dhexe ka socdaan.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin iyo saraakiisha kale ee Xisbiga ee maamulaya hawshaa, waxaana hadal kooban oo Guddoomiye Xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin ka jeediyay halkaa ku yidhi sidan:-
“Madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa, adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer aad wada fadhideena xusuus gaar ah ayay u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawiraayey, ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii Aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne.”

Sidoo kale Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay hawsha diiwaangelinta Kaadhadhka Xubnaha golaha dhexe, ayaa yidhi, “ Maanta waxaa farxadweyn inoo ah, madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, uu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu gelayey, xafiiskii xisbiga, hal kalmad baan ku darayaa, maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen, madaxweynahaa cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay oo ii gaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya.” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi oo Madaxweyne Siilaanyo hortiisa ka sheegayay hadalkaa.

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu ka hadlay nidaamka cadaaladdeed ee doorashada iyo doorka Madaxweynaha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oo aan qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana Madaxweyne diyaarbaanu u nahay inaanu kala fadhiisano.”ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380