Silanyoxisbiga

Madaxweyne Siilaanyo oo booqday xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE 28 Oct 2015

Hargeysa(ANN)Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay xarunta Xisbiga, ayaa ku celiyay in Xisbiga KULMIYE yahay mid Dumuqraadi ah, isla markaana aanu cid gaar ah u xidhnayn ee si siman loogu tartami doono.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeye, xisbigii dawlada weeye, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxaanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeye, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo fadhiya Kursi wax baddan xusuusiyay xiligii uu hoggaaminayay Xisbiga KULMIYE, oo ay hareeraha ka joogaan Labada Kornayl oo ahaa saaxiibo lasoo halagamay muddo dheer, xiligii halganka xoraynta dalka iyo waqtigii uu ahaa mucaaradka adag, isla markaana duruufo siyaasadeed oo kala duwan soo wada mareen ka hor intii aanu ku guulaysan doorashii 26 Jun 2010.

booqashadasilanyoxisbiga

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu markaa kadib iska diwana geliyey xarunta Xsibiga, iyadoo laga qaaday Sawir Kura ah oo loogu samayn doono Kaadhka Aqoonsiga Xubinimo, kaas oo noqonaya Kaadhka koowaad ee liiska Xubninimada dhigaayo.

silanyobooqdayxisbiga3

Madaxweyne Siilaanyo oo booqday Xarunta Xisbiga 28 Oct, 2015, waxa barxada hore kusoo dhoweeyay hoggaanka Xisbiga iyo dadweyne taageerayaasha Xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa loogu soo dhaweeyey barxada hore ee xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo ruxayey calanka Xisbiga Kulmiye, isla markaana ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin waa geesigii oon godob lahayn iyo Ereyo kale.
dhawaaqyada lagu soo dhoweeyay Madaxweyne Siilanyo iyo booqashadiisa maanta ee Xarunta Xisbiga oo ah markii labaad ee uu booqdo xarunta Xisbiga mudadii shanta sanadood ahayd ee uu xukunka hayay, ayaa wax baddan dib u celisay xusuustiisa, iyadoo barxada dadku kusoo dhawaynayeen ahayd mid maalmo adag uu kala hadlay taageerayaashiisa.

 

 

araweelo news network

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Xarunta Xisbiga 28 Oct, 2015

silanyoboqdayxisbiga

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380