axmedabdikahinHargeysa(ANN)Wasiirkii Wasaaradda Ciyaaraha Dhalinyaradda iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin (Casoowe), ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka oo warbaahinta maanta la hadlay, ayaa sheegay inuu xilkii iska casilay, isagoo aan tafaasiil baddan ka bixin sababta ku ajburtay inuu xilka ka taggp, balse waxa uu sheegay in aanay is casilaadiisu xidhiidh la lahayn xubno wasiiro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casilay labadii maalmood ee u danbeeyay iyo sidoo kale lacagtii lagu qaban lahaa tartanka Ciyaaraha gobolada oo lasiii deyn waayay.

Waxa uu sheegay inkasta oo waxyaabo baddan soo gaadheen in aanu wax cabasho ah muujinayn mar haddii uu shaqada ka teggayo, isagoo yidhi, “Mar haddii aan ka tagayo waxba ka caban maayo, nin rag ah ayaan ahay oo caban maayo, wax kasta oo isoo gaadhayna ka caban maayo, is casilaadayduna xidhiidh lama laha lacagtii qabashada ciyaaraha gobolada ee la sii dayn waayey, ragaas is casilayna arintaydu xidhiidh lama laha waayo anigu meel ayaan ku socdaa oo waa la wada ogyahay” ayuu yidhi Axmed Casoowe.

Wasiirka iska casilay xilka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, wuxuu sheegay in muddooyinkii u danbeeyay uu ka fekerayay inuu xilkaa iska casilo, isagoo yidhi, “ intii aanay iyagu wasiiradda is casilay ku dhawaaqin is casiladooda ayaan khatar ugu jiray inaan is casilo, markii ay shaqadaydii socon wayday, hadana waan ka fiirsanayay, halkii uu xisbigu ahaana waan ahay, xilkiina waan iska casilay.” Ayuu yidhi.
Wasiirkii Wasaaradda Ciyaaraha Dhalinyaradda iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin (Casoowe), ayaa iska casilay xilka xili la doonayo in loo diyaar garoobo wareegii labaad ee tartanka Ciyaaraha, kaas oo ay xukuumaddu u quudhi wayday kharashkii lagu maamuli lahaa, iyadoo wareegii hore ee Ciyaaraha oo lagu kala qabtay Boorama iyo Burco, sababeen rabshado dhimasho oo dhiig ku daadatay, gaar ahaan Ciyaarihii lagu qabtay Boorama, isla mrakaana waxa jirtay in dhawr goor ay dib u dhaceen Ciyaaraha sababo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha lagu qaban lahaa, taas oo ugu danbayntii keentay inuu wasiirkii wasaaradda iska casilo xilkaa maanta 28 Oct, 2015.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380