Araweelo News Network.

 

Tehran(ANN)-Xukuumadda Dalka Iran, ayaa xaqiijisay in Markab ay leedahay oo lagu magcaabo MV Saviz lagu weerraray Biyaha Badda Cas, markabka ayaa la rumaysan yahay inuu saldhig u yahay ilaalada kacaanka, isagoo soo gudbin jiray Maraakiibta shixnada sida ee Iran leedahay si ay uga gudbaan Marinka Bab Al Mandab ee duleedka Yemen.

 

MV Saviz, ayaa sannado ku xidhnaa Badda cas, wuxuuna ku sugnaa meel ka baxsan Yemen xilliga lagu fuliyay weerrarka.

 

 

 

Tehran ayaa qiratay Arbacadii, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibedda, waxayna xaqiijisay weerrarka oo looga shakisan yahay in ay fulisay xukuumadda Israel, wallaw xukuumadda Tehran aannay ku deg-degin eedeynta cadawgeeda gobolka ee Israel iyo xulufadeed.

 

Iiran waxay hore ugu tilmaamtay Markabka Saviz inuu gacan ka geysanayo dadaallada la-dagaallanka budhcad-badeednimada ee laga wado Badda Cas iyo marinka Bab el-Mandeb, oo ah meel muhiim u ah xannibaadda saaran maraakiibta caalamiga ah.

 

War qoraal ah oo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Saciid Khatibzadeh soo saaray, wuxuu ku tilmaamay markabka inuu yahay markab ganacsi.

 

“Nasiib wanaag, wax khasaaro ah lama soo sheegin, baadhitaano farsamo ayaa socda,” ayuu yidhi Khatibzadeh. “Dalkeennu wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah iyada oo loo marayo mas’uuliyada caalamiga ah.”, ayuu raaciyay.

 

Dhinaca kale, waxa jiray war lagu daabacay wargeyska in Israel ay ku wargelisay Maraykanka in ay weerar ku qaaday subaxnimadii Salaasada April markabka. Saraakiisha Israal ayaa diiday inay ka hadlaan weerrarka.

 

Balse Wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz, in kasta oo uu diidday in dalkiisu qaaday weerrarka, wuxuu ku tilmaamay Iran iyo xulafadeeda gobolka inay yihiin khatar weyn.

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee semiofficial Iran, oo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay ilaalada, ayaa soo werisay in miinada la dhigay Badda ay sababtay qaraxa. Miinadaa ayaa loo yaqaan limpet mine, waana nooc ka mid ah miinooyinka Badda.

Inta badan markabka, quusitaanka. Mar dambe ayuu qarxayaa, wuxuuna si weyn u dhaawici karaa markab. Iran cidna kuma eedeyn weerarka waxayna sheegtay in saraakiisha Iran ay u badan tahay inay bixiyaan macluumaad dheeri ah maalmaha soo socda.

War qoraal ah, oo kasoo baxay Taliska Dhexe ee Millatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay inay ka war hayaan wararka warbaahinta ee ku saabsan dhacdo la xidhiidha Markabka Saviz iyo in ciidamada Maraykanka aannay ku lug laheyn.

 

Weerarka, ayaa kusoo beegmay xilli Iran iyo quwadaha adduunku ay u fadhiisteen Vienna wadahadalladii ugu horreeyay ee ku saabsan Maraykanka oo dib ugu soo laaban kara heshiiska burbursan ee loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran, balse weerrarka ayaa muujinaya dhacdooyinka ka baxsan wadaxaajoodka iyo inuu sabab u noqdo carqaladaynta dedaalkaa.

 

Dhinaca kale, Xukuumadda Riyadh, ayaa muddo dheer canbaaraynaysay joogitaanka Markabka ee Biyaha Badda Cas, waxayna si isdaba joog ah u cambaaraysay xukuumadda Riyadh inuu khatar ku yahay MV Saviz joogitaankiisu.

 

Sucuudiga, ayaa Iran ku eedaynayay in ay taageero siiso xuutiyiinta Yemen ee dagaalka ay kula jirtay muddada dheer oo ay loodin weyday, sidoo kale dalalka reer Galbeedka iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Iran ay hub iyo taageero siisay jabhadda Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka sanadaha badan ka socday dalkaas. Balse Iran way beenisay inay hubeyso Xuutiyiinta,waxayna Sucuudiga ku canbaaraysay iyo xilufadiisa in ay dalkaa masiibooyin bini aadanimo ka geysteen, isla markaana loo baahanyahay in lagula xisaabtamo.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com