Araweelo News Network.

 

Kampala, Uganda(ANN)-Xukuumadda Dalka Masar, ayaa heshiis la saxeexatay Xukuumadda Dalka Uganda, xilli uu sii kordhayo khilaafka cakiran ee ka taagan isticmaalka Biyaha Webiga Niilka oo labadaa dalka meel adag ka maraya, wallaw ay Uganda qayb ka tahay isticmaalka Nile.

Saraakiisha Sirdoonka Dalka Masar oo booqday Uganda 4 April 2021, waxay kulamo iyo wadahadalo la yeesheen Masuuliyiinta xukuumadda Uganda iyo Saraakiisha dhigooda ah ee Millateriga iyo Hay’addaha dhanka amaanka ee dalkaa.

Koonfurta Suudaan Oo Aqbashay Codsi Masar Kaga Dalbatay Saldhig Milliteri Oo Kulaalaya Ethiopia

Kulamada iyo wadahadalada kadib Arbacadii shalay 7 April 2021, ayaa heshiis ay la galeen Saraakiisha Sirdoonka dhanka Millateriga ee Masar dhigooda Uganda, sida ay shaacciyeen Ciiddanka Difaaca Uganda (UPDF), waxay labada dhinac kala saxeexdeen heshisi isfaham (A Memorandum of Understanding), kaas oo sida ay sheegeen ay labada dalka iskaga kaashanayaan inay wadaagaan arrimaha Sirdoonka dhanka Milliteri iyo amniga (Military intelligence sharing agreement).

Waxay sheegeen in ay isku raaceen inay wadaagaan arrimaah Sirdoonka Millateriga, iyadoo ay ku macneeyeen in heshiisku wax weyn ka tarayo la dagaaanka waxay ugu yeedheen Argagixisada, Sarreeye Gaas Samiix Saber Eldegawi oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Sirdoonka Milliteriga Masar iyo Sarreeye Gaas Abel Kandiho oo ah Taliyaha Sirdoonka Milliteriga Uganda, ayaa labada dal u kala saxeexay heshiiska.

Sarreeye Gaas Samiix Saber El degawi oo ka hadlay Munaasabadda lagu saxeexay Heshiiska  ayaa sheegay xaqiiq ahaan Uganda iyo Masar ay wadaagaan Webiga Nile, isla markaana wixii dhibaateynaya Uganda ay saamayn karaan Masar.

Dhankiisa Taliyaha Sirdoonka Millateriga Uganda, Jeneral Abel Kandiho ayaa sheegay inuu Heshiisku muujinayo in labada Hay’addood ee labada dal ay wadaagi doonnaan xoggaha iyo macluumaadka Khayraadka iyo arrimaha amniga, wuxuuna tilmaamay in heshiisku fure u noqon karo xoggaha ka hor-taga weerrarada ka dhanka ah amniga labada dal ee argagixisada iyo dhammaan denbiyada kale oo ay labada dal iska kaashanaayaan.

Dalka Masar ayaa tababaro siiya Ciiddanka Millateriga dalka Uganda, wuxuuna Jeneral Abel Kandiho ugu mahadceliyey Dowladda Masar taageeradooda iyo sida ay ugu hureen inay wax badan kala qabtaan arrimaha Millateriga.

Dalka Masar, ayaa hore heshiisyo dhanka Millateriga ah oo ay ku jiraan saldhigyo ay ku yeelanaayan dalalka Bariga Afrika ula galay Kenya, Suudaan iyo Juba oo ah Suudaanta Koonfureed, waxayna heshiisyadan inta badan dhaceen sannadii u danbeeyay intii dalkaa hoggaamiyay Marshal Abdel Fattah Saeed Hussein Al-Sisi, kadib markii dalka xoog ku qabsaday 2014, isagoo xukunka ka tuuray Madaxweynihii la doortya Mohamed Mursi oo xukunka dalkaa hayay June 2012 to 3 July 2013.

Al Sisi, markii uu dalka Masar qabsaday, waxa sii kordhay khilaafka isticmaalka Biyaha webiga Nile oo Ethiopia bilawday April 2011, isagoo ku kacay lacag dhan $5 billion USD, iyadoo xiisadu ay sii kordhaysay tan iyo xilliga ay Ethiopia bilawday Biyo Xidheenka weyn oo sannado soconayay (Renaissance Dam).

Khilaafka ayaa sababay in labada dalka ee Ethiopia iyo Masar isku mari waayeen kulamo wadahadalo marar badan lagu dhexdhexaadiyay, balse dhawrkii sannadood ee danbeeyay oo Ethiopia khiaaf siyaasadeed iyo kacdoono soo jiitamayay oo ugu danbayntii sababay collaada gobolka Tigray, waxay Masar dalalka Bariga Afrika culays ku saartay in ay siiyaan saldhiyo Millateri iyo iskaashi dhanka arrimaha Sirdoonka gaar ahaan amniga iyo Milateriga.

Heshiska xiilligan ee Masar iyo Uganda, ayaa daba socday wadahadalo iyo kulamo Sirdoonka Milliteri ee labada dal ku yeesheen magaalladda sanadkii hore wuxuuna kusoo beegmay iyadoo ay sii kordhay xiisada webiga Nile ee khilaafkeedu cirka isku shareeray dhawrkii sanandood ee u danbeeyay, isla markaana dhinaca kale muujinaya in xukuumadda Masar xidhiidho Millateri la gashay dalalka ku xeeran Ethiopia iyo kuwa kale oo Afrika ah, wallaw xilligan collaada gobolka Tigray ee Ethiopia uu sababay in ay ka faa’idaysto Masar iyo sidoo kale Suudaan oo qabsatay dhul ay muddo dheer ku muransanayeen labada dale e Ethiopia iyo Suudaan.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com