Boqolaal Maraykan Ah Oo La Mariyay Safar Dheer Dhulka Ah Oo Diyaaraddo Gelbinayaan Iyo Dhaleecayn Ka Dhalatay

#Araweelo_News_Network.

 

Khartoum(ANN)- Dagaalka Suudaan, ayaa dib u bilaabmay, kaddib 72 saacadood oo xabad joojin aan caga badan ku taagnayn oo ay beesha caalamku ku khasabtay labada General ee dhiiga ku daadinaya dalka, kuwaas oo xukunka isku haysta.

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayay habeenimadii Axadda Koonfurta Magaalada Khatroum, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in la duqeeyay qasriga Madaxtooyadda, balse ma jiraan warar si dhab ah u sheegaya khasaaraha ka dhashay.

Baaqyo kasoo baxaya dalalka waaweyn, hay’addaha garagaarka ee qaramada midoobay ayaa noqday kuwo aannay dhegeysan dhinacyada ku dagaalamaya halkaa, iyadoo Ergayga khaaska ah ee Maraykanku digniin u diray labada General ee iska soo horjeeda.

Dhinaca kale, Boqolaal Maraykan ah oo ka cararaya dagaalka lagu hoobtay ee ka socda Sudan laba toddobaad ayaa gaadhay dekedda dalka ku taal bariga Afrika Sabtidii, taas oo ahayd daadgurayntii ugu horreysay ee uu Maraykanku maamulo, dadka la mariyay safar dhulka ah oo khatar ah oo ay galbinayeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn.

 

Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, ayaa dusha ka ilaalinayay dadka laga samata bixiyay, kuwaas oo isha ku hayay dariiqyada daadguraynta dhulka oo maalmo baddan laga fekerayay, waxaana gaadiidkaa la socday ilaallo hubaysan, taas oo suurtagelisay in kolonyo Basas ah oo siday 200 ilaa 300 oo Maraykan ah ay jibaaxeen khatarta in ka baddan 800 kilomitir, iyadoo lagu waday Port Sudan, oo ah meel ammaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanku.

 

Saraakiishiisa Maraykanka ayaan joogin goobta laga daadgureeyay dadka, balse waxa jirta dhaleeceeyn ka imanayay qoysaska dadka Maraykanka ah ee weli ku xaniban Suudaan, taas oo ka dhalatay, iyadoo markii hore Washington meesha ka saaray in ay samaynayaan wax daadgurayn ah oo Maraykanku maamulo, maadaama dad lagu qiyaasay 16,000 oo Maraykan ah oo Suudaan ku sugan doonayaan inay ka baxaan halkaa.

 

Ciidamada howlgallada gaarka ah ee Maraykanka ayaa Todobaad ka hor, 22 April muddo kooban u duulay caasimadda Khartoum, si ay diyaarad uga soo saaraan shaqaalaha Maraykanka ee safaaradda iyo shaqaalaha kale ee dowladda Maraykanka, iyadoo  In ka baddan toban dowladood oo kale ay hore u wadeen samata bixinta muwaadiniintooda, kuwaas oo adeegsanayay diyaaraddo ciidan, maraakiibta Badda iyo kuwa dhulka jooga.

Dhinaca kale, dhexdhexaadiyayaal caalami ah oo ay ku jiraan Afrikaan, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, ayaa waxa  keliya  ay ku guuleysteen in ay dhinacyada la gaadhaan xabbad joojin ku meel gaadh ah oo jilicsan, wallow ay ku guuldareystay in ay joojiyaan isku dhacyada,  laakiin waxay abuureen jawi koobban oo ku filan inay boqolaal kun oo Suudaani ah, ka faa’idaystaan, kuwaas oo u qaxay meelo nabdoon iyo in dalal shisheeye ay ku jiraan dalalka shisheeye muwaadiniintooda  laga soo samata bixiyay halkaa oo lasoo mariyay dhulka, cirka iyo badda.

Qaar ka mid ah dadka laga soo daabulay dagaalka ee lasoo mariyay jidka dheer ee khatarta baddan, ayaa sheegay inay la kulmeen Maydadka dariiqyada yaal iyo jidgooyooyin kooxo hubaysan, sidoo kale waxa lasoo weriyay inay jiraan Maleeshiyaad kufsi iyo boob samaynaya, waxaana la xaqiijiyay in dadka la dilay ay ku jiraan laba muwaadin oo Maraykan ah oo midkood yahay dhakhtar lagu dilay Tooray gurigiisa hortiisa Khatroum.

 

Tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeyay laba Generaal oo iska soo horjeeda qarxay 15 Apriil, Maraykanku wuxuu uga digay muwaadiniintiisa inay u baahan yihiin inay helaan jid ay uga baxaan dalka, in kasta oo saraakiisha Maraykanku ay isku dayeen inay ku xidhaan dadka Maraykanka ah dadaallada daadgureynta dalal kale.

Laakiin taasi way isbedeshay markii saraakiisha Maraykanku ay ka faa’iidaysteen dhinacyada dagaalamaya qaarkood, taas oo u suurta gelisay in meel fog lasoo mariyo Kolanyada gaarka u ahayd sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanku, halka  duullimaadyadii daadguraynta ee u dhow caasimadda ee dalal kale ay u soo bandhigeen muwaadiniintooda,

Hase yeeshee muwaadiniin baddan oo Maraykan ah ayaa lagaga tagay inay safarka halista ah ee dhulka ee Khartoum ka soo galaan dekedda ugu weyn ee Badda Cas ee Port Sudan. Mid ka mid ah qoyska Sudan ee Maraykanka ah ee safarka ku jiray,  ayaa mar sii horaysay ku warramay inay soo mareen jidgooyo baddan oo ay ku sugnaayeen rag hubaysan iyo maydad jidka daadsan iyo baabuurta qoysas kale oo baxsad ah oo wadooyinka lagu dilay, kuwaas oo ka cararayay dagaalka.

 

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in kolanyada ay wateen muwaadiniinta Maraykan ah ay caawiyeen dad deegaanka ah oo u shaqeeya Mareykanka, iyo muwaadiniin u dhashay dalalka xulafada la ah. “Waxaan ku celinaynaa digniintii aan u jeedinay dadka Maraykanka ah in aannay u safrin Suudaan,” ayuu yidh, isagoo ka digaya khatarta.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale Sacuudiga kala shaqeynaya sidii ay u ogaan lahaayeen in mid ka mid ah maraakiibta badda ee Boqortooyada Sacuudiga uu tiro baddan oo Maraykan ah u qaadi karo Jeddah, kuwaas oo laga dejiyay habeenimadii Sabtida, iyagoo Markabka kasoo raacay Port Sudan.

 

 

Saraakiisha Maraykanka, ayaa sheegay in Laba qof oo Maraykan ah la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka, kuwaas oo mid ka mid ah wuxuu ahaa qof shicib ah, kaas oo ay sheegeen inay qabsatay rasaas habawsan. Halka ka kale ahaa dhakhtarka magaalada Iowa, kaas oo lagu dilay mindi gurigiisa iyo qoyskiisa hortiisa oo ku yaal Khartoum.

Dagaalka, ayaa sababay inta la ogyahay inay ku dhinteen in ka baddan 500 oo qof, halka dhawr kun oo qof ku dhaawacmeen, iyadoo dad gaadhaya dhawr milyan u qaxeen Egypty, Chad, South Sudan, Ethiopia iyo meelo kale, balse dad baddan oo muwaadiniin ah iyo ajaanb ayaa weli go’doonsan  dalka Sudan, kuwaas oo ay ku jiraan 3,000 oo u dhashay Yemen.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/