Araweelo News Network.

 

 

Riyad(ANN)-Khilaafka labada da lee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo dhow iyo xulufo duulaan dagaalo iyo siyaasado kale muddo dheer, ayaa si dhab ah usii kala foggaaday, iyadoo ay xiisad ba’an ka dhex dilaacday.

Muddo dhowr sano ah, iskaashiga ka dhexeeyay Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa ahaa mid la doonayay in wax laga bedelo juquraafiga siyaasadeed ee dunida Carabta, gobolka saliida qaniga ku ah iyo xataa xidhiidhka dalal ka baxsan gobolka.

Hase yeeshee khilaaf si hoose isu soo tarayay muddo oo soo bilaabmay xilli hore, tan iyo gu’gii Carabta ee galaaftay hoggaamiyayaal Carbeed oo caan ka ahaa dunida, ayaa sii Febeury 2021, kaddib markii xukuumadda Riyaad ay soo saartay amar ay ku siisay shirkadda caalamiga ah OPEC, in ay xarunteeda gobolka u wareejiso Riyad,  marka la gaadho 2024.

Waxayna sheegtay in haddii aannay amarkaa fulin ay luminayso qandaraasyada dowladda, balse Imaaraadka, ayaa arrintaa u arkay inay tahay weerar toos ah oo lagu qaaday Dubai (UAE), oo ah xarunta ganacsiga ee gobolka.

 

 

Labada dal waxay doonayeen inay dib uga wada xaajoodaan halka ay hadda marayaan heerka laga soosaarayo wax-soo-saarka wax-ka-dhimista, ama kordhinta Saliida,  si loo siiyo xorriyad ay ku soo saarto saliid badan, laakiin arrintaa waxa waxa si cad ganafka ugu dhuftay Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna ka digeen UAE, in ay sidaa sameeyeen.

 

Kulamada Wadaxaajoodyada, ayaa markaa wixii ka danbeeyay yeeshay waji aan caadi ahayn markii wasiirrada tamarta ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo xulafo dhaw ahaa ay si cad uga sheegeen khilaafkooda warbaahinta.

 

 

“Khilaafku wuxuu ku yimid si lama filaan ah, laakiin waxaa laga yaabaa in dagaalku uu ahaa mid lama huraan ah,” sidaa waxa yidhi, Ben Cahill, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee Washington oo ay soo xiggatay BBC World Service.

 

“Wax soo saarka Abu Dhabi wuxuu khilaafsan yahay qoondadiisa Opec. Waxay gelisay lacag aad u badan si kor loogu qaado wax-soo saarkiisa. Haddana dalabku wuu sii kordhayaa. Taasi waa sababta Imaaraadku uga cadhaysnaa sannadkii la soo dhaafay awood la’aanta inuu wax soo saarkiisa kordhiyo, ayuu raaciyay.

Xidhiidhka shaqsiyadeed ee ka dhexeeya Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan iyo Dhaxalsugaha Abu Dhabi Amiir Maxamed bin Zayed ayaa gacan weyn ka gaystay isbahaysiga ay labada dal sameeyeen, kaas oo saamayn ku yeeshay gobolka iyo meelo kale oo ka fog, balse is xulufaysiga ayaa diciifay kaddib duufaano guuldarooyin oo ka dhashay Dagaalka, Yemen, Dagaalka Suuriya iyo soo celintii xidhiidhka Qadar ee Khaliifka oo ay dheertahay arrinta qadiyada falastiin ee sida weyn uu shakiga u geliyay heshiiskii Abraham Agreement ee Israel.

Biden Oo Qaabka Uu Uga Hadlay Duulaanka Qaza La Qoonsaday

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com