Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taageerayaasha  KULMIYE, ayaa si xamaasadaysan isugu soo baxay  Magaalooyinka Somaliland Maalintii Lixaad ee Ololaha doorashadda madaxtooyada si ay u muujiyaan cududdooda iyo baaxada taageeradooda.

Magaalada Ceergaabo, waxa isugu soo baxay kumanaan shucuurtooda ku muujiyay taageerada ay la garab taagan yihiin murrashaxiinta xisbuga, waxaana kala qaygalay isu soo baxaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ah Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga, isagoo khudbad ka jeediyay fagaaraha Beerta Xoriyadda.

Magaalada Hargeysa, waxay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, isu soo baxyada ay ku muujinayeen cududdooda ku qabteen waaxaha degmooyinka ee xarumaha uu ku leeyahay xisbigu, waxaana khudbado u Jeediyay Masuuliyiinta heer Gobol ee Xisbiga, saraakiil kale Iyo Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Magaalada Burco, ayaa sidoo kale isu soo baxa lagu muujiyay xaafadaha magaalada, iyadoo ay barar sooctay deeqo caawimooyin ah oo la gaadhsiiyay dadka jilicsan.

sidoo kale magaalooyinka kale ee Boorama, Saaxil, Sool iyo sidoo kale deegaamada degmooyinka, ayaa laga muujiyay isu soo baxyada taageerada loogu muujinayo Xisbiga Kulmiye maalintii lixaad ee Ololaha isu soo baxa oo ku beegnayd maanta.