Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa magcaabay 21 masuul, isagoo xilalkii ay hayeen ka qaaday Lix masuul oo ka tirsanaa Xukuumaddiisa. kadib markii uu caawa sameeyay xil qaadis isku dhaandhayn iyo magcaabis cusub.

sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada caawa oo u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3730/122015 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudoomiyeyaasha Gobolada, Agaasimeyaasha Guud, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Xubno kale oo dhawra.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin
Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Guddoomiyeyaasha Gobolka Dalka;
Markuu La Tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Markuu Arkay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkaas;

Wuxuu Go’aansaday

1. In Mudane, Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore La-taliye Madaxweyne)
2. In Mudane, Jaamac Yuusuf Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sellel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. In Mudane, Jaamac Ciise X. Shaacuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
6. In Mudane, Naaleeye Axmed Sheekh Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
7. In Mudane, Jaamac Dheeg Cartan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA AGAASIMEYAASHA GUUD

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyahay jagooyinkaas;

Wuxuu go’aansaday

8. In Mudane, Saleebaan Siciid Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
9. In Mudane, Xasan Cumar Hoori, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL.
10. In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
11. In Mudane, Cabdi-naasir X. Daa’uud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.
12. In Mudane, Cabdi-rashiid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL.
13. In Mudane, Shariif Ibraahim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkaa;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkaa;

Wuxuu go’aansaday

14. In Mudane, Cawil Cali Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
15. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
16. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxaliga Ah.(Bedel Gudoomiyihii hore ee Saaxil)

MAGACAABIDA XUBNAHA GUDDIDA KOMISHANKA MAAMUL WANAAGA

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagga;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday
17. In Mudane, Mukhtaar Cismaan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
18. In Mudane, Mukhtaar Yaasiin Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
19. In Mudane, Axmed Jaamac Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
20. In Mudane, Carab Nuur Xandulle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MAGACAABIDA MAAREEYE KU-XIGEENKA TELEFISHANKA QARANKA
21. In Mudane, Mustafe Maxamuud Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380