Araweelo News Network

Cali Maxamed Axmed (Cali-sandule),  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

Cali Maxamed Axmed (Cali-sandule),
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay waddo sidii ay usoo saari lahayd xeer mamnuucaya in shaqaalaha ajnebiga ah ee qabta shaqada muwaaddiniintu qaban karaan loo oggolaanayn.
sidaana waxa sheegay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Axmed (Cali-sandule), wuxuuna arrintaa ka dhawaajiyay, iyadoo uu jiro Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah qodobo mamnuucaaya in shaqaale shisheeye ah qabtaan shaqada dadka muwaadiniinta ah aqoonta u leeyihiin inay ka shaqeeyaan, kaas oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awoodi weyday inay dhaqan geliso.

Hase yeeshee Cali Maxamed Axmed (Sandulle) oo kulan la yeeshay guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland shalay, waxa uu sheegay in ay is afgarad ku soo dhammaatay wadahadalka uu guddida la yeeshay, wadashaqayn ay yeelan doonaan.
 “Baarlamaanka iyo xukuumaddu waa dawladda, had iyo jeerna shaqooyin bay wada leeyihiin. Guddida Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxa ay leeyihiin shaqo ka dhexaysa oo ay isku kormeeraan, kana wadahadlaan. Waxa aan xogogaal ka dhigay oo aan kaga hadlay waxqabadka Wasaaradda, sida ay shaqada u qabato iyo hawshu siday tahay, waanannu isku afgaranayn, waanannu joogtaynaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cali Sandulle.
Wasiir Cali Sandulle oo warbaahintu waydiisay shaqo la’aanta dalka ka jira, ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin nidaam shaqo-abuur lagu samaynayo, isla markaana ay soo saari doonaan xeer mamnuuca in shaqaale ajenebi ah la qorto haddii shaqada muwaadinku qaban karo, iyadoo xeerka hore tiraba dhawr jeer la hirgelin kari waayey, waxaannu yidhi “Waxa aannu wadnaa shaqo-abuur badan oo meelo badan leh, waxna waannu ku guulaysanay, waxna hadda ayaannu gacanta ku haynaa, laakiin shaqooyin badan ayaanu abuuraynaa, waxa kaloo aannu wadnaa qorshe ah iyadoo shaqaale qaban karaa joogaan (Somaliland), waa naga mamnuuc in shaqaale ajenebi ah qabtaan, sharci baanannu ka soo saari doonaa haddii Ilaahay yidhaa.”
Hasayeeshee, Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda hadda jirta ee madaxweyne Siilaanyo, ayaa awoodi waayey inay hirgeliso mamnuucida shaqaalaha ajenebiga ah ee qabta shaqada ay qaban karaan muwaadiniintu, taasoo xeerka Shaqaalaha Rayidka ah (Xeer lr. 31/ 2004) qodobkiisa 31aad si toos ah u mamnuuco in aan shirkadaha iyo hay’aduhu qoran karin shaqaale ajenebi ah, haddii shaqada muwaadiniintu qaban karaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380