Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa maanta magaalada Boosaaso dil toogasho ah ku Fulisay 7 Nin Oo Dhalinyaro ah, kuwaas oo horre maxkamada ciidamada Puntland ugu xukuntay dil toogasho.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Dadkan lagu helay eedo ahaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab iyo in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.