Araweelo News Network

Marxuum Mijir Qaadi

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta ruug cadaaga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco galabta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay wakhtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labadaasi ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambena ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door weyn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay bahda saxaafada tusaale u ahaa suxufiyiinta da’a yar ee dalka

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda saxaafada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu Qoraalka.

Sidoo kale dhanbaal tacsi ah Oo kasoo baxay Xafiiska KULMIYE, ayaa lagu yidhi sidan:-

NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi) oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

Marxuum Mijir Qaadi waxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay waqtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labada ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambeyna ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door wayn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Mijir Qaadi inuu ahaa nin wanaagsan oo dhawrsan, degan oo oday u ahaa bulshada, taariikhyahan ahaa oo ka baxay Qaranka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE