Araweelo News Network.

 

Ceergaabo(ANN)-Guddomiye ku xigeenka wasaarada waxabarashadda ee gobolka Sanaag  Ibraahim Ducaale Xuseen, ayaa ka jawaabay dhawaaqyo lagu eedeeyay oo kaga yimi dhinaca Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.

 

Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashadda gobolka Sanaag oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku macneeyay edaymo la soo jeediyay, wuxuu sheegay in eedaymahaas yihiin kuwo aan sal iyo raad toon lahay isla markaana dadka eedaymaha u jeediyay maamulka Wasaaradda waxabarshadda gobolka Sanaaga aannay ahayn qaar ehel u ah waxbarshadda.

‘’ kulankeenani waxaa uu daaranyahay shaqsiyaad dhawaqoodu nasoo gaadhayo oo kasoo hadalay degmada Gar-adag todobaadankan aynu ku jirno gudihiisa oo eedaymo usoo jeediyay Wasaarada waxbarashada gaar ahaan Guddoonka gobolka, hadaba ugu horayan halkan waxaan ka cadaynayaa dadkaa hadalay ee bulshada dhawaqoodii gaadhay inaanay ahayn dad ehel u ah waxbarshada oo aannay ku jirin Macalimiinta tabarucaadka ku shaqeeya iyo kuwa mushaharaka qaata ee dawlada u diiwaan gashan’’.ayuu yidhi.Ibraahim Ducaale Xuseen

Guddomiye ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ‘’Sidaa la ajigeed bulshadayada aanu jecelnahay ee aanu marwalba u xil saarnahay ushaqayntooda waxaanu usheegaynaa inaan hawshaas waxba ka jirin hadalkooduna waxa uu ubadnaa borobagaando iyo cidla ka hadal waxaana runtii hadalkooda nooga muuqday dad aan war badan uhayn Wasaarada waxbarshada isla markaana ay u muuqatay un inay hadlaan oo hadlkiina halkaa la maray’’.

Guddomiye ku xigeenku waxa uu sidoo kale ka hadalay siday Wasaarada waxbarashadu u ilaaliso Macalimiinteeda ushaqeeya ‘’waxa kaloo halkan ka cadaynayaa Wasaarada Waxbarshadu Macalimiinteeda tabarucaadka ku shaqeeya ama ku wa mushaharka dawliga qaata ee dawlada u diwaan gashan si gaar ah ayay u tixgalisaa mid walibana halkuu jooga waanu ka war haynaa kuwa tabarucaadkuna iyagu si gaar ah ayay noogu diwaan gashan yihiin.

Markaa taa laga yimaado dhawaan waxaa jiratay kuuliyada tobabarada macalimiinta waxay qaaten macalimiin ka koobaan dhamaan gobolada dalaka waxaa gobol ka Sanaag soo xaraystay 81 qof (kow iyo sideetan qof) intaas oo qof waxaa laga qaatay 17 kii qof ee ugu sareeysay ee darajadoodu siisay degmo kasta ha kasoo jeedee ayaa helay waliba degmada Gar-adagna kama madhana oo way ku jirtaa, markaa sidaa la ajigeed waxaanu u sheegaynaa bulshada eedaas dhagahoodu maqleen inaanay waxba ka jirin. ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay marwalaba dadka dhex u tahay oo uu cadaalad samayso mar walabana xil iska saaraaan sidii  waxbarshadda ay u hormarin lahaayeen, isla markaana Ubadkaa yar yar wax u baran lahaayeen loona horumarin laaa guud ahaan qaranka oo dhan, intaa markaan kaga imaado dadka hadalay ee hadalkoodu na soo gaadhayo maanaan jeclayn inaan ujawaabno lakiin hadalka waxaa naga keenay waxaanu jecelnahay inaanu bulshadayda usheegno siday wax u jiraan oo aanu ka shaafino wax kastoo ay tabanayaan marka taas intaa lagaga tago dadkaa warbaahinta ka soo hadlay waxaanu la tiigsan doonaa sharciga’’ ayuu yidhi Guddomiye ku xigeenka Wasaarada Waxbarshada ee Gobolka Sanaag Ibraahim Ducaale Xuseen