Hargeysa(ANN)+Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Kulankaa oo saacado qaatay ayaan si dhab ah loo ogayn waxayaabaha lagaga hadlay, walaw wefdiga ka socday Beesha Caalamka ay u socdeen arrimaha doorashooyinka Somaliland oo murankooda ay soo af-jareen guddi todobaadkan kasoo saaray go’aamada.
Balse Madaxtooyadda Somaliland oo qoraal kooban kasoo saartay kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdiga, ayaa sheegay in lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u sheegay weftiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

Geba-gebadii waxa lagu xusay qoraalka in Madaxweynaha kulankaa ay ku weheliyeen, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

                Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland