Araweelo News Network

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi iyo Madaxweynihi saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Sidaana, waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska
Madaxweyaha la doortay Muuse Biixi oo Faahfaan kooban lagaga bixiyay kulanka oo ujeedadiisa lagu sheegay salaan Iyo Hanbalyo.

qoraalka, ayaa lagu sheegay in kulanku ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Somaliland maanta, waxa ujeeddadiisu ahayd booqasho Madaxweynaha hore Md. Daahir Rayaale Kaahin ku boogainayey Madaxweynaha cusub guusha lagu doortay Doorashadii Madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishii hore ee November, isla markaana uu talooyin iyo tusaaleyaal lagu najaxi karo oo ku saabsana hawlaha horyaalla ula wadaagi lahaa, waxaanay labada dhinac wada qaateen waqti ay si hufan isugu hogo-tusaalaayeen.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo toddobaadkan dalka u yimi sidii uu qaybgali lahaa caleemo-saarka madaxweynaha cusub, ayaa hambalyada guusha Madaxweynaha cusub kadib ku dhiirriyey inuu sii ambo-qaado dimuqraaddiyadda iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaannu ugu bushaareeyey inuu mar walba diyaar ula yahay wixii talo iyo taageero ah ee uu midho-dhal u arko, lana wadaagi doono wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ah ee uu dhaxlay muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha hore booqashada iyo hambalyada uu ugu yimi, waxaannu sheegay inuu ka mid yahay dadka uu talooyinka uga martida yahay, isla markaana uu u baahanyahay khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisaba si uu uga gudbo wixii caqabado kala duwan ee soo wajaha iyo sidii uu guulo waxtar leh u gaadhsiin lahaa ummaddiisa iyo dalkiisa muddada uu xukunka hayo.
Kulanka Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynaha hore, ayaa ku dhammaaday jawi farxadeed, waxaanay labada dhinac muujiyeen inay si kal furan uga wadashaqayn doonaan gebi ahaanba arrimaha ku saabsan horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.