Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Allah ha u naxariistee waxa saaka  magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanadii Caanka ka  ahayd geyiga Soomaalida Marwo Shamis Abokar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Radio  Hargeysa ka heesta Sannadkii 1952.

Guduudo Carwo Shamis Abokar oo  sannadihii u danbeeyay u jiiftay xanuun gurigeeda oo ku yaalay magaalada Hargeysa, ayaa saaka aas qaran loogu sameeyay Hargeysa, waxaana aaskeeda ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Fanaaniin, Abwaano Iyo boqolaal shacbiga Somaliland ah.

Qaar ka mid ah Fanaaniinta waaweyn ee Somaliland Iyo shaqsiyaad kale oo ka hadlay geerida fanaannada ayaa ku tilmaamay in ay ahayd qof dhawrsoon oo shaqsiyad fiican, Isla markaana ku fiican cibaadada Iyo Alleh ka cabsiga.

Waxayna sheegeen in xiligii ay Guduudo Carwo billowday Heesaha, dumarka aanay ku dhiiran jirin Fanka iyo ka hadalka idaacadaha, iyadoo doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha  matali jireen rag, ka hor intii aanay Shamis Abokar billaabin Heesaha, taas oo sababtay maadaama aan dumarka  lagu aqoon heesaha, taas oo sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waana sababta  loogu bixiyay magaca ay caanka ku noqotay ee Guduudo Carwo.

Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka tacsiyeey geerideeda shacbiga Somaliland, waxaana dhanbaalka tacsida ah lagu yidhi, sidan:-

“Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 07/12/2017.
Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.
Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN