Araweelo News Network

Israeli man blowing a Shofar near the Dome of the Rock (C) in the Al-Aqsa mosque compound in the Old City of Jerusalem al-Quds on December 5, 2017. (AFP photo)

Qaza(ANN)-Kumanaan Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool deegaanada la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qaza ayaa billaabay isu soo baxyo ay ku diidan yihiin in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil. Kadib markii Madaxweyne Trump ku dhawaaqay in Quds ay noqoto caasinada Israa’iil.

Go’aanka Madaxweynaha  Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil, waxay markaa kadib
dawladda Israa’iil geystay daanta Galbeed  boqollaal ciidamo Yuhuud ah, ayadoo laga cabsi qabo in xiisadda ay ka sii darto.

Warar horudhac ah, ayaa sheegaya in siddeed qof oo Falastiiniyiin ah in ay ku dhaawacmeen rabshadaha la kowsaday go’aankaa oo ah mid dunida Islaamku si weyn uga cadhoodoon, Isla markaana dawladdaha reer galbeedka qaarkood si weyn u canbaareeyeen.

Go’aanka Madaxweyne Trump, ayaa noqonaya mid isbedel wayn ku ah siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee tobannaanka sano soo jirtay, waxaana laga bixiyay jawaabo cadho leh oo caalamka oo dhan ka imanaya, iyadoo dalal badan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ay diideen tallaabadaa.

Golaha amniga ee Qaramada Midoobey iyo ururka jaamacadda Carabta, ayaa maalmaha soo socda kulmaya si ay jawaabtooda uga bixiyaan go’aanka Trump ee arrinta Quds.

Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay kacdoon cusub oo lagu diidanyahay go’aankaa oo si weyn loo rumaysan yahay inuu nabadgelyada mandaqada Iyo dunidaba ku yeesho.

 

Sacuudiga, ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka ugu aqoonsaday Quds inay tahay caasimadda Israa’iil, iyadoo ay sii kordheyso cambaareynta caalamiga ah ee go’aankaasi.

War qoraal ah oo ay boqortooyada Sacduuiga soo saartay ayay ku sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid ‘ aan cudur daar lahayn”
Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump Iyo ka  ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Siday Dunida uga jawaabtay go’aanka Trump

Israa’iil: Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin: Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ”albaabadii cadaabta” ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yidhi ”Ma taageersanin go’aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid  mudan in laga shaleeyo ”.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo qayral-mas’uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tidhi, ”waxaa mudan in uu Ka shaleeyo in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan kaga imanayay”.

Shiinaha iyo Ruushka, ayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra’iisal wasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurub iyo ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go’aanka Trump.