Araweelo News Network

This photo taken on January 20, 2017, shows the exterior of the US Embassy building in Tel Aviv. (Photo by AFP)

Qudus (ANN)- Go’aan dhiilo xambaarsan oo ka soo baxay Madaxweynaha xag-jirka ah ee dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, ayaa si buuxda ugu dhawaaqay inuu magaalada barakakaysan ee Qudus (Jerusalem) u aqoonsaday caasimadda rasmiga ah ee dawladda Yuhuudda, kadib markii uu iskaga dhego-tiray dhawaaqyada ka soo baxayey madaxda kala duwan ee caalamka oo arrintaas uga digay.
Mr. Donald Trump oo saxaafadda kula hadlay xarunta Guriga Cad ee magaalada Washington xalay, waxa uu amray in laga shaqeeyo sidii safaaradda Maraykanka ee hadda ku taal magaalada Tel Aviv loogu rari lahaa magaalada Qudus (Jerusalem.
“Waxa aan go’aansaday in ay hadda tahay waqtigii si rasmi ah loo aqoonsan lahaa in magaalada Jerusalem ay tahay caasimadda Israa’iil, iyadoo ay madaxweyneyaashii hore ee Maraykanku ay xilliyada ololaha lagu jiro ballanqaadi jireen inay aqoonsan doonaan caasimadda Israa’iil, balse taas weli may fulin, laakiin, maanta ayaan annigu arrintaas ku dhawaaqayaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanku.
Dhawaaqyada diidmada ah ee Madaxda Adduunka
Madaxda dalalka Islaamka, Yurub iyo Eeshiya, ayaa hore uga digay in Madaxweynaha Maraykanku ku dhawaaqo in magaalada Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil, arrintaas oo ay qaarkood ku sifeeyeen inay tahay dab lala faro ciyaarayo (Playing with fire), iyadoo durba ay bilaabmeen rabshadaha laga digayey inay ka dhashaan go’aankan waalida cas ah.
Ninka ugu sareeya Kiniisadda Kaatoliga Pope Francis oo saxaafadda kula hadlay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa ka digay halista ka dhalan karta in safaaradda Maraykanka ee loo rarayo magaalada Qudus (Jerusalem).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Mr. Boris Johnson, ayaa isaguna yidhi; “Waa in magaalada Jerusalem ay qayb ka noqoto heshiis kama dambays ah oo ay isla qaataan Falastiin iyo Israa’iil, kaasoo ah wada-xaajoodyo ah waxa aannu doonayno ee xalka ah. Qorshaha nooguma jirto in aannu safaaradayada u rarno Jerusalem.”
Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dalka Turkiga Mr. Bekir Bozdag oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa tilmaamay in go’aanka lagu rarayo safaaradda Maraykanku yahay mid doqoniino ah, waxaannu yidhi;“Ku-dhawaaqista in magaalada Jerusalem tahay caasimadda Yuhuudda, waa go’aan aan lagu tixgelinayn taariikhda soo jireenka ah, waana caddaalad-darro weyn oo axmaqnimo ah, maan-gaabnimo ah oo waali ah, waxaannu cagaha dab u gelinayaa mandaqada gobolka Bariga Dhexe iyo Adduunka oo dhan, dabkaas oo ah mid aan dhammaan doonin.”
Masuulka dawladda Falastiin u jooga dalka Ingiriiska Mr. Manuel Hassan oo isna arrintan ka hadlay, ayaa yidhi; “Waxa uu (Madaxweynaha Maraykanku) dagaal kaga dhawaaqayaa Bariga Dhexe, waxa kaloo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan bulshada mulismiinta caalamka oo tiradoodu tahay 1.5 bilyan, waxa kaloo uu ku dhawaaqayaa dagaal ka dhan ah boqolaalka milyan ee kiristaanka ah, taasina maaha wax laga aqbali karayo dhulka barakaysan in gabi ahaanba la soo geeyo Israa’iil.”
Madaxweynaha dalka Turkiga Mr, Recep Dayyib Erdogan, ayaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha islaamka ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay kaga jawaabayaan go’aanka magaalada Qudus loogu aqoonsanayo Israa’iil, shirkaas oo loo muddeeyey inuu magaalada Istanbul ka qabsoomo 13 December 2017, kuna beegan Arbacada toddobaadka dambe, haddii Ilaahay yidhaah.
Geesta kale, Madaxweyne Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay qaar ka mid ah madaxda dalalka waaweyn ee Islaamka shalay, kuwaas oo uu kala hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday magaalada barakaysan ee Qudus, gaar ahaan go’aanka Maraykanku ku doonayo inuu safaaradiisa ugu raro halkaas.
Madaxda uu telefoonka kula hadlay waxa ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Iran, Tuuniisiya iyo Malaysiya, isagoo Madaxweynaha Turkigu ku hanjabaday inuu xidhiidhka u jarayo Israa’iil, waxaannu tilmaamay in go’aankan magaalada Qudus loogu aqoonsaday caasimadda Yuhuudda ay tahay gef weyn oo colaad ka hurinaya degaanada Bariga Dhexe.