madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku jira mudadii xilkiisa sharciga ah u danbaysay, ayaa sameeyay magcaabis iyo xil ka qaadis masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada maanta gelinkii danbe, ayaa u qoraan sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3129/032015 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey wakiilada Somaliland u fadhiya Dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka.
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday sidan:-
1. In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane, Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle, Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxayXafiiska Xoghayaha Saxaafada ee Madaxtooyada JSL.

Naasir Yuusuf Daahir.

 
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dhowaan isku bedel, magcaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa qaybo ka mdi ah, waxayna tallaabooyinkani kusoo beegmeen iyadoo mudadii xilka dastuuriga ah ay uga hadhsan yihiin wax Afar Bilood, balse aanay waqtigan muuqan in doorashadu ku dhacay xiligii dastuuriga ahaa. Sidaa awgeed uu jiro olole xukuumaddu ku raadinay muddo kordhin muddo aan ka yarayn laba sannadood, taas oo aanay jirin mucaarad awood baddan oo ay xukuumaddu ka cabsi qabto.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews