warancadeHargeysa(ANN)Qoxootigii u horeeyay ee kasoo qaxa dagaalka iyo duqaymaha dhinaca Cirka ah ee ka socda Dalka Yemen, ayaa soo gaadhay Somaliland. Sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo sheegay in ilaa 40 qoxooti yamaniyiin ah soo gaadhen magaalada xeebta ah ee Berbera.

Wasiirku wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland la socod siisay Hay’addaha Qaramada midoobay dadka qoxootiga ah, isla markaana laga fekerayo halkii la dejin lahaa iyo meeshii wax lagu siin lahaa, isagoo xusay inay ka war hayaan in qaybo kale soo socdaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, heegan gelisay shaqaalaheeda si looga feejignaado dhibaato caafimaad oo ka iman karta qaxootiga ka soo baxaya colaada ka aloosan dalka ay jaarka yihiin Somaliland ee Yemen oo dagaalka ka socda saamayn ku yeeshay ganacsigii ka dhexeeyay labada dal.

Heeganka la geliyay shaqaalaha Caafimaadka, ayaa sidoo la sheegay inuu qayb ka yahay sidii looga qayb qaadan lahaa ololaha nadaafadeed ee ay iclaamisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kaas oo guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka ka bilaabanaya 7 bisha April.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews