Araweelo News Network

madaxweynahaoobooqdayHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta cubitalka Dr Maxamed Aadan Sheekh ku bookhday wiil shan sano jira oo qaliin lagaga samayn doono wadnaha, kaasoo uu ku soo dhashay wadnaha oo daloola.

Bookhashada Madaxweynuhu ku tegay cusbitaalka Dr Maxamed Aadan sheekh ayaa ah mid ku timid xaalada wiilkaasi ku sugan yahay oo noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland ama Geeska Afrikaba lagu sameeyo qaliin noociisa ah, balse loo qaadi jiray dalka Talyaaniga oo muddooyinkii u dambeeyey uu cusbitalka Dr Maxamed xidhiidh dhinaca qaliinnaha ah ka samaynayey, iyadoo sideed caruur ah oo noocan oo kale ah ama uu wadnuhuba daloolo lagu soo qalay dalka dibediisa, nasiib wanaagse maanta qaliinadii dibeda laga maarmay oo dalka gudihiisa lagu samaynayo, ka dib dedaal laga sameeyey in dalka la keeno qalab ka qaliinada ee dibeda aynu uga baahan jirnay.

Agabkan qaliinka ayaa dalka soo gaadhay ka dib markii qaadhaan ururin loo sameeyey Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh, qaadhaankaas oo ay hormuud ka ahayd marwada madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed jirde iyo Madaxweynaha oo iyaguna qaban qaabada iyo hirgelinta lahaa dhinaca dhaqaalahana qayb ka ahaa. Dalku in uu yeesho qalab u gaara oo lagaga maarmo dibeda iyo dalalka shiyeeye oo aanay shacbigeeni inta badan awoodin, sidaa awgeedna loo tudho loona fudaydiyo si aynu u caawino caruurta yar yar ee daryeel la’aanta u geeriyoota ee wadnuhu daloolo, waxaanu noqday kulankaa dhaqaalaha loogu ururiyey cusbitalka laguna keenay mishiinadii qaliinka loo isticmaalayey mid najaxay oo intii ka qayb qaadatay bixinta qaadhaankaasina ay ku amaanan yihiin ajar iyo xasanaadna ay u tahay qof walba oo qayb ka ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu isdul taagay una duceeyey wiilka u diyaarka ahaa in uu maro qalinkaas oo isagu markaa uun gelayey laguna fulinaayey qaliinka, waxaana dul fadhiyey wiilka aabihii oo isna dareenkiisa cabiray sheegayna in uu Alle talo saaranayo kana baryayo inuu ku guuleeyo wiilkiisa qaliinkaa uu maanta marayo. Waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in maalmahan ilaa afar qof oo kale ay maridoonaan qaliino la mida kan ay hada gacanta ku hayaan. Somalilandna ay noqotay dalkii u horeeyey geeska afrika ee yeesha dhakhtar fuliya qaliinada wadnaha.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL