Araweelo News Network

wasiirkhawlahaguudiyotaliyahabooliskaHargeysa(ANN)Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Wadooyinka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa baabuur ku wareejiyay Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal IImaan.

Baabuurkaa, ayaa wasiirku ugu deeqay Degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, iyadoo wasiir Cali sheegay in baahi ka timi Booliska Degmada Qorilugud markii uu maqlay ugu deeqay gaadhigaa oo ah four-wheel drive.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Wadooyinka Cali Xasan (Cali mareexaan) ayaa marar badan gaadiid ugu deeqay sidan oo kale Booliska Deegaamada gobolada Bariga Somaliland, isagoo Baabuurka uu maanta ku wareejiyay noqonaya kii todobaad ee uu ku wareejiyo Booliska Somaliland.

Halkan ka Daawo