“Waan ku bogaadinaynaa (Somaliland) inay talo gaadheen, maamul samaysteen oo dalkii nabadeeyeen, kana gudbeen khilaafaadkii iyo wax badan oo dib-u-dhis galeen”
Araweelo News Network
madaxweynexasansheekhMogadishu(ANN) Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in nidaam dawladeed ka dambeeyey dhibaatooyinkii isugu jiray xasuuqa, burburka iyo barakicii lagula kacay dadweynaha reer Somaliland sannadihii u dhexeeyey 1980 ilaa 1991-kii, waqtigaas oo taliskii Siyaad Barre awood millatari u adeegsaday.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi siiyey telefishanka maamulkiisa (SNTV) maalintii Jimcaha, waxa kaloo uu qiray in dhibaato iyo xannuun aad u xun loo geystay dadka reer Somaliland waqtigaas.
“Dadka Soomaalida ah ee deggan Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) dhibaatooyin badan ayaa gaadhay oo weliba loogu gaystay magaca dawladda. Inkastoo dawladdii hore dalka oo dhan dhibaato badan ka geysatay, haddana dhibaatada ka dhacday woqooyiga (Somaliland) waxay ahayd gaar, aad iyo aadna way u xannuun badnayd, waanan qiraynaa in dhibaatadaasi gaadhay.
Hase yeeshee, nidaam dawladeed ayaa dhibaatada geystaye, qabaa’ilka Soomaalida amma ummadda badan ee Soomaalida ee deggan Koonfurta ma ay geysan, raallina kama ahayn inay dhacaan,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaas ku daray, “Arrintan Somaliland waa arrin muhiimad qaran leh oo dalkan (Soomaaliya) waa dal mid ah oo dhinac walba ka midaysan, siyaasadda ayaa lagu kala duwan yahay. Duruufihii ka dhashay burburkii dawladnimada ayaa lagu kala duwan yahay. Marka dagaal sokeeye dhaco ee burbur yimaad. Sideedaba waxa la yidhaah taariikhdii la soo dhaafay isku aragti lagama aha, heshiisna lagama aha, xannuunkuna isku si dadka uma wada taabanayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in bogaadinayaan horumarka ka hirgalay Somaliland, waxaannu yidhi; “Wixii ka dhashay dhibaatooyinkaas weeye waxa aannu la tacaalayno. Kala aamin-bixii iyo kala fogaanshihii waa wixii ka dhacay, waanan ku bogaadinaynaa (Somaliland) inay talo gaadheen, maamul samaysteen oo dalkii nabadeeyeen, kana gudbeen khilaafaadkii iyo wax badan oo dib-u-dhis galeen, degaannadooduna qurux badan yihiin maanta. Annaga laftayadu waa wax aannu ku faanayno, waanan ku bogaadinaynaa, laakiin mustaqbalka ummaddan dalka la yidhaa Soomaaliya marna kala tag kuma jiro, wax aannu wada-jir ku waynana…(Kala-tag) kuma helayno.”
“Waannu rabnaa in aannu wada-xaajood adag galno, mustaqbalka aannu qaabayno, si aanay u dhicin wixii dhacay shalay (waqtigii Siyaad Barre) markale in aannu dawladnimo la isku raacsan yahay oo si siman awoodeeda iyo taladeeda loo leeyahay in aannu wada dhisano waanu rabnaa, waana middaas midda aannu ugu jirno wada-xaajoodka, hawshaasina waa hawl aad iyo aad u weyn, mana aha hawl maalin iyo laba maalmood ku dhammaan karta, mana degdegsanin, laakiin midnimada, isku soo noqoshada iyo dib-u-walaalawga aad iyo aad ayaan u xiisaynaynaa, una jecelnahay, waanan daba soconaynaa ilaa aan ka xaqiijinayno insha Allaah,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay taageeray in shacabka reer Somaliland aayahooda ka tashadaan.