Araweelo News Network
cabdullaahidheereHargeysa(ANN) Imtixaanka shahaadiga fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiga dhexe ee sannad-dugsiyeedka 2015 – 2016 ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga bilaabay guud ahaan dalka shalay.
Imtixaankan oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 25046 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ka kala socda fasallada afraad ee dugsiga sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiga dhexe ee ku kala yaal dhammaan lixda gobol iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Somaliland.
Imtixaanka sannadkan ayaa waxa ku xeeran duruufo iska soo horjeeda oo ku saabsan qorshe Wasaaradda Waxbarashada iyo xafiiska u qaabilsan imtixaanaadku kula dagaallamayaan qishka oo beryahan dambe sii xoogaysanayey iyo tallaabo ka dhan ah arrintaasi oo imtixaanno foojari ah lagaga iibinayo ardayda.
Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta iyo Xafiiska Imtixaanaadka, ayaa ka hadlay bilowga imtixaanka iyo duruufaha wehelka u ah sannadkan oo ay ka soo jeediyeen baaq ku wajahan ciidammada Booliska.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka warramay bilowga imitxaanka oo uu sheegay inuu si nabad ah mar uga wada furmay guud ahaan 190 goobood oo ku kala yaal gobollada iyo degmooyinka waddanka oo dhan.
Guddoomiye Daa’uud waxa uu ka hadlay imtixaan la sheegay in la helay oo laga iibiyey ardayda, waxaannu yidhi, “Xalay (habeenkii Jimcihii) waxa dalkoo dhan la wareejinayey siddeed maado oo ku jira cajalad (soft copy) oo la isku wada diray iyagoo lagu sheegayo inuu yahay imtixaankii shahaadiga ahaa oo la helay, meel walba munaafaq wuu joogaaye ardaydaa yaryar waxa imtixaankii loogu sheegay imtixaankii xafiiska Imtixaanaadku qaaday sannadkii 2013 ayaa inta dib loogu yara habeeyey carruurtii lagu yidhi waa imtixaankii sannadkan la qaadayey, waana been abuur aanay waxba ka jirin. Imtixaanka qaranku waa mid xafidan, waxyaabo fara badan baa qarsoon oo siro aanaan cidna u sheegin oo aannu ku ognahay dad yar oo kooban, imtixaanka macallimiinba nooma samayso, si loo heli karaana maba jirto.”
Waxa kaloo uu xusay in ay qalab casri ah kula dagaallamayaan qishka sannadkan, “Waxa sannadkan nagu cusub oo wasiirku nagu soo kordhiyey qalab lagu baadhayo ardayda oo loogu talogalay in lagula dagaallamo telefoonnada gacanta (si looga hortago qishka) oo haddii loo baahdo xiisadiiba mar lala galayo iyo meeshii laga shakiyaba, weliba qalab kan ka sii casriyeysan baanu doonaynay laakiin waqtiga awgii baa laga soo gaadhsiinwaayey, markaa kan baa la keenay (Super Scank), runtiina wax wayn buu ka tarayaa ka hortaga qishka,” ayuu yidhi.
Sidoole, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), ayaa waxaan loo dulqaadan karin ku tilmaamay imtixaannada aan jirin ee ardayda loogu sheegay inuu yahay kii laga qaadayey, waxaannu ugu baaqay Taliyaha Ciidanka Booliska in gacanta lagu dhigo dadka ka shaqaynaya arrintan.
“Macluumaadka beenta ah ee dadka lala dhexmarayo waxaannu codsanaynaa in ciidamada ku shaqada leh in gacanta lagu qabto cidda ku shaqada leh arrintan iyo goobaha laga wadaba, waayo dambi bay ku jiraan oo carruur iyo waalidba way dhacayaan oo lacag bay urursanayaan, markaa innagoo ciidammadii kala duwanaa leh in dhexdeenna quraafaad lagu wareejiyo oo carruurta lacag lagaga qaato waxaannu haynaa imtixaankii waa innagu ceeb, sidaas darteed Taliyaha Guud ee Booliska waxaannu ka codsanaynaa in gacanta lagu soo dhigo dadkaasi,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Dheere.