Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan  caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa  waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed.

Sida lagu sheegay qoraal War-saxaafadeed ah oo kasoo baxay Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Ethiopia, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga  labada waddan ee Somaliland iyo IEthiopia, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda,  dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada  geeska Afrika.

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Dr. Workneh
Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha IEthiopia.

Dhinaca Somaliland waxa madaxweynaha ku weheliyay wasiirradda wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana  kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa