Share this:

" />
Published On: Thu, Sep 12th, 2019

Madaxweyne Biixi Oo kala Qayb-galay Munaasibad Loo Qabtay Arday Dhamaysatay Jaamacadda Tima-cadde

Smiley face

Gebiley(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gebiley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gebiley, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno,  hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan.

munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan.

munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira, ayaa maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gebiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gebiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen, isaga oo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda.

munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay, waxana uu yidhi, “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas, tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadyadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.”

munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho, “Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba  ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray, halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba, waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay  jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.
munaasibada loo qabtay Arday dhamaysatay jaamacadda Tima-cadde ee Gebiley, 12 Sep 2019.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay,  gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda.

Wa-bilaahi tawfiiq
Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp