Share this:

" />
Published On: Thu, Sep 12th, 2019

Somaliland: Wariye Ka Tirsan Hadhwanaagnews Oo Xabsiga Loo Taxaaabay

Smiley face

Ururka Suxufiiyinta Ee SOLJA Iyo Ururka SOMA Ee Marreegaha Somaliland Oo Canbaareeyay oo ka hadlay

Hargeysa(ANN)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay habeenkii mid k mida Tafaftirayaasha Shebekada HadhwanaagNews, kaddib markii ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex 3-dii bishan xayiraad ku soo rogtay Shabakadaasi oo sida amarka xayiraada lagu sheegay uu ka dacwooday Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Dalka Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi).


Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asparo), ayaa la sheegay in ay niskii dhexe ee Xalay Ciidanka Boolisku ka qabteen guriga uu ka degenaa Magaalada Hargeysa, kaddibna u taxaabeen xarunta C.I.D-da, halkaasoo uu ku xidhan yahay.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska oo la xidhiidha sababta keentay xadhiga suxufigan, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in amarka lagu qabtay uu ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo daba socota fulinta xayiraad ka soo hor-martay dhegeysiga Dacwada loo haysto hay’adda uu ku shaqaynayey wariyuhu ee Hadhwanaagnews,

sida uu Gobanimonews u xaqiijiyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac.
Guddoomiye Xuuto ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolku u xaqiijiyey in uu bixiyey amarka lagu xidhay Suxufigan iyo wariye kale oo isna ka howlgala Shabakadaasi oo aan isaga wali la qaban.


“Waxa loo haystaa sida uu guddoomiyaha maxkamadda gobolka hargeysi noo xaqiijiyay warar danbe oo ay mareegta hadhwanaag ku qoreen, taasoo ay maxkamaddu xayirtay. Guddiomiyaha maxkamaddu waxa kale oo uu noo xaqiijiyay amarka qabashadooda inay amartay isaga iyo c/risaaq Good ba.”sidaas ayuu GNA u sheegay.

Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac, waxa uu intaasi ku daray in ay urur ahaan dhaleecaynayaan xadhigga wariyahan iyo mid kasta oo eeddeymo loo haysto, waxaanu tilmaamay isagoo arrintaasi ka hadlaya; “Ururka SOLJA, waxa uu mar walba taagan yahay in dacwada suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahintaba si cadaalad ah loo qaado iyadoon la xidhin.”
Geesta kale , Cabdirisaaq Good oo kamida maamuleyaasha Hadhwanaagnews, ayaa bartiisa Facebook qoraal kooban oo uu soo dhigay ku xaqiijiyey xadhiga Suxufigan, laakiinse wax tafaasiil ah kamuu bixin qaabka loo qabtay iyo in wax jidh-dil ah loo geystay iyo in kale.


Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa 3-dii bishan September soo saartay amar ay ku xayirayso howlihii shaqo ee xarunta Hadhwanaagnews ee dalka, iyada oo aan dhegaysan Dacwada laga qabo ee ay Boolisku u soo gudbiyeen, amarkaas oo ay sharci darro ku tilmaamay Sharci-yaqaannada iyo Ururradda u doodda Saxaafadda oo ay kamid yihiin Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Ururka Warbaahinta Mareegaha ee SOMA.

Amar Xayiraad ah oo loo fuliyey Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac

Dhinaca kale, Shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka oo kamid ahaa Hay’addaha lagu socodsiiyey amarka Maxkamadd, ayaa fuliyey oo ay qaarkood ka xidheen in mareegta laga booqdo Internet-kooda.


Wariye Cabdiqani Asparo ayaa noqonaya suxufigii labaad ee ay Ciidanka Booliska Somaliland xabsiga u taxaabaan todobaadkan gudihiisa, waxaana ka horeeyey oo Jimcihii isna la xidhay Guddoomiyihii Telefishanka Horyaal Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa. kadib markii xaruntii Telefishanka Horyaal albaabada xukuumaddu u laabtay.


About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp