Araweelo News Network

madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay sababta xuska maalinta 26-ka June looga weynayn waayey Somaliland, maadaama oo ay ku beegan tahay waqtigii Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii oo hadda laga joogo muddo 57 sanno ah.
“Maanta (shalay) oo ah maalinkii 26-kii June oo ah maalin aad u qiimo badan, gaar ahaan ummadda Somaliland qiimo gaar ah ku leh guud ahaanna umadda Somaaliyeed oo ah 57-guuradii ka soo wareegtay maalinkii calan Soomaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaan marka hore u hambalyeynayaa dhamaan umadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Marka labaad waxaan leeyahay waa in ay ummadda Somaliland taariikhdu meel ugu suntanaato, madaama markii hore xorriyaddii aynu qaadannay aynu walaalaheen ula tagnay, tiina dhibaato innaga soo gaadhay, markii dambena ay innagala qiimo badantay tii aynu dib ugula soo noqonnay xorriyaddeenna 18 May 1991-kii oo aynu caadi u xusno, laakiin tan qudheeda ummadda Somaliland way xusayaan, gaar ahaanna qurbo-joogta,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo warraysi siiyey Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Waxa uu intaas sii raaciyey, “Maalintani maaha maalin la neceb yahay laakiin se waxaad mooddaa markii dhibaato innagala kulantay midnimadii Soomaaliya. Waxa dhacday in dib aynu ugula soo noqonnay xornimadeennii 18-May-1991, taas ayaana keentay in maalinkii lala soo noqday ay ka qiimo badnaato ama culays la saaro si ummadda Somaliland dib ula soo noqoshadii u xusaan, taas uun baana keentay, laakiin marnaba qiimaha ay nagu leedahay maaha mid aan illaawayno.”
Geesta kale, waxa uu ka hadlay wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo in muddo ah hakad ku jiray, isagoo caddeeyey dhankooda inay diyaar u yihiin in dib loo bilaabo wadahadalkaas.
“Aad iyo aad ayaannu u danaynaa in dib loo bilaabo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo annagu waan ku talogalnay… marka hore kala-guur baa dhacay Soomaaliya oo dawlad cusub baa u dhalanaysay, annaga Somaliland qudheenna doorashooyin ayaa na sugayey oo dib-u-dhac baa wadahadalladii ku dhacay, laakiin waxaan rajaynaynaa in doorashada aynu ka baxno, annaguna markasta diyaar baan u nahay in wadahadalkaasi sii socdo oo walaalahay aan wadahadalno oo danaheenna ka wada tashanno iyo sida noo dan ah labadayada dalba,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.
“Shacabka Somaliland go’aan adag bay qaateen oo distuuri ah, markaa mar walba waxaan ku shaqaynaynaa rabitaanka shacabka oo ah in laba dawladood oo walaalo ah oo is-garab yaal oo sidii aannu markii horeba isugu tagnay, maantana u kala noqonno oo riyadii Soomaali-weyn rumoobi wayday oo maanta laba dal oo walaalo ah oo is-garab yaal aannu noqonno ayaan ku shaqaynaynaa oo waa rabitaanka shacabkayaga,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxwayne-ku-xigeenka oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey in Somaliland ay ku daba dheeraatay inay dunida ka hesho aqoonsi caalami ah, waxa uu yidhi; “Runtii way nagu dheeraatay, muddo badan ayaanan sugaynay ictiraaf, laakiin waxaan ku faraxsannahay aqoonsi la’aan waxaan dhisannay dawlad iyo nidaam, dimoqraadiyad ayeynu gaadhnay. Maanta waxaynu nahay qaran nabad ku naaloonaya aanay haysan walaalaheenna kale, markaas waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta heer fiican joogno, balse waxaan qabaa in beesha caalamku na hagraday, waxaanse rajaynaynaa ama aynu ku talogalaynaa in intaas iyo in ka badanba u samirno sidii aan u gaadhi lahayn waqti qarankeennu noqdo qaran ka mid ah beesha caalamka.”
Waxa kaloo wax laga weydiiyey waxyaabaha salka u ah xaaladda sicir-bararka aadka u kulul ee ka taagan dalka Somaliland oo waqtigan gaadhay halkii ugu sarraysay, “Runtii sicir-bararku waa dhibaato weyn oo dalkayaga ka jirta. Waxyaabo badan baa is-biirsaday. Sicir-bararkan maanta laba shay ayaa u sal ah; abaartii dhacday oo wixii aynu iibinaynay ama soo saaraynay oo aad u yaraaday iyo dhoofkii xoolaha nool oo ahaa lafdhabartii dhaqaalaha oo iyagana laynaga joojiyey. Runtii aad baan uga xumahay dhibaatada sicir-bararku ku hayo bulshada Somaliland oo ciiddii iyo bishii barakaysnayd ee Ramadan ay lacagtoodii waxba u goyn wayday, haddana xukuumad ahaan mar walba dadaalka ayaannu ku jiraynaa sidii aan ula dagaallami lahayn ama aan hoos ugu celin qiimaha sarrifka doollarka oo aad kor ugu kacay,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).