Araweelo News Network

Guddomiyaha KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dawladda talada haysa, isla markaana ay waajib tahay in loo sheego haddii ay khaldan tahay.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Hargeysa toddobaadkan, waxa uu tilmaamay in lala yimaad figrado cusub iyo hal-abuur loogu shaqeeyo horumarka qaranka Somaliland.
“Dawladda haddii ay khaldan tahay waa in loo sheegaa, dawladdu waa inay noqotaa dawlad hufan oo lala xisaabtami karo, waxaynu bilownay dawladda qaybtan la yidhaa Maamul-wanaagga, waa curdin iminka bilaabantay ee waa in aynu xoojinnaa, markay dawladdu hufanto ayuun buu dalku horumari karaa, haddii kale waa la niyad-jabayaa oo la is xamanayaa oo waa la kala jeedjeedsanayaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biiix Cabdi.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa wanaagsan innagoo isku tashanna sidaynu duruufahan uga bixi lahayn, dal ka liita dalkeenna oo ka roob iyo khayraad yar ayaa nimco laga soo saaraa, innagu dadkaa la mid uun baynu nahay, markaa waxaan ummadda reer Somaliland ku guubaabinayaa munaasibaddaa 26-kan June aynu fikrad iyo hal-abuur cusub oo ah in aynu shaqaysanno oo wixii xun iska qabanno.”
Murrashaxa KULMIYE, ayaa sidoo kale hadalo dardaaran ah u jeediyey bulshada ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka hadlay dhibaatooyinka ay dhallinyarada u tahriibay dalalka qaaradda Yurub iyo meelo badan oo adduunka ah.
“Munaasibadda 26-ka June waxaan ummadda reer Somaliland ku dardaarayaa; kow in aynaan guul ku gaadhayn haddii aynu ka baqanno duruufaha adag ee ina haysta oo xoogga (dhallinyaradu) dalku tahriibo, dhallinyarada dhibaato shaqo la’aaneed baa haysata waa run, qofku markuu shaqo la’yahayna wuu jahawareeraa oo waxa u muuqda tigaada dalalka kale ka muuqda inuu doonto, laakiin bal aynu is waydiinno tobankii sanno ee u dambeeyey ilaa tobankii sanno ee u dambeeyey maxay guul gaadheen? Xooggoodii iyo waxtarkoodii wuu innaga maqanyahay, boqolkiiba waxyar oo 1 ama 2% ayaa la odhan karaa waxbay baratay ama hanti bay ka heshay qurbaha, inta kale halkii ay tageen ayey ku xidh-xidhanyihiin oo ay nolosha la dagaalamayaan, faqri bay ka carareen, halkaana waxba kuma hayaan. Waad aragteen iminka inta shaqo-doon ah ee dalka ku soo noqota ee shaqo ka doonaysa dawladda iyo dalkani waa intii dhooftay, haddii ay meeshaa (qurbaha) waxyaalaan kuwa dhoofaa fursadaha halkan yaala waxay u dayn lahaayeen kuwa dalka jooga,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.