Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa kulamo la xidhiidha sidii gurmad loo gaadhsiin lahaa dadka iyo Xoolaha Abaartu ku habsatay ee deegaanada galbeedka iyo Bariga Somaliland xafiiskiisa kula yeeshay maanta Saraakiisha Hay’addaha gargaarka ee ku sugan Somaliland.
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Isaamciil (Saylici) oo ay ku wehelinaayeen kulanka uu la yeeshay saraakiisha Hay’addaha gargaarka ee ku sugan Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Lataliyaha Madaxweynaha ee Hay’addaha Caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed, waxa lagaga hadlay sidii Hay’addaha Samafalka iyo xukuumaddu uga wada qayb qaadaan lahaayeen gurmadka Abaaraha iyo qorshihii lagu waajihi lahaa.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo saraakiisha Hay'addaha gargaarku kaga wada hadleen gurmadka Abaaraha ?

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo saraakiisha Hay’addaha gargaarku kaga wada hadleen gurmadka Abaaraha


Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa hay’addaha samafalka usoo bandhigay doorka xukuumadu ku leedahay gargaar deg deg ah oo la doonayo in loo fidiyo dadka dhibaataysan ee qaylo dhaantu kasoo yeedhay. Sidaa awgeed hay’addaha looga baahan yahay inay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka Abaaraha.

Saraakiisha Hay’addaha ee ka qaybgalay kulankaa ayaa dhankooda soo bandhigay inay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gargaarkaasi iyo mucaawinada la gaadhsiin doono gobolada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen, iyagoo kulanka dhexmaray iyaga iyo xukuumadda balan qaaday inay dhankooda wixii kaga soo hagaaga diyaar u yihiin.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo todobaadkan kasoo laabtay safar uu kusoo maray gobolada bariga Somaliland, ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaga dhawaaqay xaalada Abaarta, wuxuuna amar ku bixiyay in si deg deg ah dadka deegaamada Abaartu hayso ee qaybo ka mid ah Bariga iyo galbeedka Somaliland loola gaadho gurmad, isla markaana Biyo dhaamis deg deg ah la gaadhsiiyo dadka iyo Xoolaha deegaamadaa oo roobabkii gu’aga aan helin.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.