Koox ka socota Qmidobay oo boqday qoxotiga yemen ee berberaBerbera(ANN)Wefdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha gargaarka, ayaa maanta booqday Magaalada Berbera oo ay ku sugan yihiin dad kasoo qaxay dagaalka ka socda dalka Yemen.
qoxotigayemeneeberbera2
Wefdiga, ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Cumar Maxamed (Cali xoor-xoor) iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, iyadoo Maareeyaha Dekedda Berbera uga xog waramay adeegyada dekedda iyo xaalada dadka kasoo qaxay dagaalka Yemen oo ku sugan magaalada Berbera, isla markaana wuxuu sheegay xukuumad ahaan iyo maamul ahaan inay dadkaa iska xil saareen oo ay qaar baddan oo ka mid ah u boqooleen deegaamada ay markii hore ka qaxeen ee Somalia iyo meelo kale.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali

Saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha gargaarka ayaa warbixinta Maareeyaha Dekedda Eng: Cali Xoor-Xoor kadib su’aalo la xidhiidha adeegyada dekedda iyo xaalada dadka qoxootiga ah weydiiyay, waxayna markaa kaddib Maareeyaha iyo masuuliyiinta kale wefdiga geeyeen goobta loo qorsheeyay in la dejiyo dadka qoxootiga ah ee kasoo cararay dagaalada Yemen, waxayna dhegeysteen xubnaha wefdiga Qaramada Midoobay qaar ka mid ah dadka maatada ah ee ku sugan xerada duleedka magaalada Berbera.
qoxotigayemeneeberbera
Wefdiga Qaramada Midoobay oo watay Diyaarad khaas ah, waxay dib raaceen diyaaradii ay wateen markii ay dhamaysteen ujeedada booqashadooda, waana xubnihii u horeeyay ee ka socda qaramada Midoobay ee booqda Qoxootiga kasoo cararay dagaalada Yemen ee ku sugan magaalada Berbera.

Kumanaan qof oo kasoo qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen, ayaa kasoo degey Dekedda Berbera, dhawrkii bilood ee u danbeeyay, waxayna dadkaa oo Somaliland u fudisay gurmad balaadhan, iyadoo aanay Haya’ddaha qaramada midoobay wax taageero ah ka helin intooda baddan u gudbeen deegaamadii ay ka asal ahaan ka tageen, balse waxa weli ku jira xerada looga sameeyay magaalada Berbera dad maato ah oo aan iyagu garanayn meel ay usii dhaafaan halkaa, kuwaas oo isugu jira Yemaniyiin iyo Soomaali.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.