Araweelo News Network

Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa caddeeyey in aannu wax werwer iyo walaac ah ka qabin in doorashada Madaxtooyadu xasilooni-darro ka abuurto dalka Somaliland, isagoo xusay in bulshadu waqtigan aad u baraarugsan tahay.

Madaxweyne Silaanyo oo hadal ka jeediyey kulan casho-sharaf ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyey xalay Komishanka Doorashooyinka, murrashaxiinta saddexda xisbi, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Taliyeyaasha Ciidammada dalka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, waxa uu dardaaran khuseeya doorashada u jeediyey xisbiyada iyo bulshada Somaliland.
“Doorashada aynu dhawaan u dareerayno idam Eebbe, waxay mustaqbalkeena ku leedahay saamayn weyn. Anigu Madaxweyne ahaan, markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo bisaylka murrashaxiinta beratamaysa wax werwer ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay in aan dhammaan halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo dardaaran ah, taas oo ah ujeedada aan idiin marti-qaaday,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Doorashooyinku maaha wax innagu cusub ee waxaynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo innagu filan. Sidaa darteed, waxa ummad ahaan inala gudboon in aynu xakamayno xamaasadda iyo xagtimaha loolanka dhexdeenu keeni karo.
Waxaan leeyahay, doorashooyinka laguma kala baxo ama laguma kala badiyo xannaaq, xiisad la kiciyo iyo hadallo xajiin iyo xanaf leh, balse doorashada waxa lagu kala helaa taageerada bulshada iyo sida loo kala kasbado caqliga cod-bixiyaasha. Haddaba, waxaan lixda murrashax ee u tartamaya hoggaanka dalka u jeedinayaa dardaarankan kooban.
Mudanayaal;

1. Waa in aad dhawrtaan shuruucda iyo Xeerarka nidaamka Doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxa waajib idinku ah in aad u dhega-nuglaataan talooyinka, tilmaamaha iyo amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka ee garsoorka idiin ah.
Duco-qabayaal, waxaan idin leeyahay “LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA TAGINA”.

2. Sidoo kale, waxa idinla gudboon in aad taageerayaashiina ku wacyigelisaan in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka doorashada, isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga iyo wax kasta oo nabadgelyo-darro abuuri kara.
3. Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno cid kasta oo abuuraysa xasilooni-darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah muwaadiniinta Somaliland iyo murrashaxiinta in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.
4. Hore ayaa loo yidhi “GUULI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO”. Sidaa darteed, kursigan aan ku fadhiyo ma qaado laba iyo saddex nin toona ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya nin qudha. Sidoo kale, waxa ku-xigeen ka noqonaya hal nin,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Silaanyo.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxaan hoggaanka dalka ku wareejin doonnaa labada murrashax ee doorashada sifo sharci ah ugu guulaysta, insha Allaah. Sidaa darteed, saaxiibada loolamaya waxaan leeyahay marka ay soo baxdo natiijada doorashadu waa in aad aqbashaan oo ogolaataan natiijada doorashada. Qarankani wuxuu ku soo meelmaray, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tannaasul. Ma aha guuldarada siyaasaddu in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul-darro iyo garaad xumo ah in aad ku gacan-saydho go’aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare.”
Madaxweyne Silaanyo, ayaa sidoo kale murrashaxiinta dib u xasuusiyey doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2003 oo xisbiga KULMIYE lagaga guulaystay tiro aad u yar, isla markaana uu aqbalay natiijada.
“Waad xasuusan tihiin in aan 80 cod oo uu muran ku jiray kaga tegay kursi madaxweynenimo bishii April, 2003. Waxaan u tudhay shacbigayga iyo sharaftayda, kuma khasaarin ee taasi waxay ii goysay in aan isla kursigii ku helo boqolkiiba konton codadkii codbixiyaasha dalka. Waxaan bogaadinayaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii Hore ee aqbalay natiijada doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2010-kii, ee hoggaanka dalka la iigu doortay, isla markaana xilkii qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Wareebe oo isna aqbalay natiijadii doorashada. Guddoomiye Faysal waa waayo-arag, waxaanan ku ammaanaya inuu aqbalay go’aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijada doorashooyinkii qabsoomay sannadihii 2003-gii, 2005-kii iyo 2010-kii,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu dardaaran kala duwan u jeediyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaannu yidhi; “Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa dedaal, dul-qaad iyo daacadnimo. Waxa aan uga digayaa gar weecsan iyo guddoon jilicsan oo ah geerida guddi dhexdhexaad ah iyo hay’adaha garsoorkaba, waxa aan idiinku ducaynayaa in Ilaahay (SWT) uu idin garab galo, xilkana idinku asturo.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale la hadlay qaybaha kala duwan ee ciidammada dalka iyo Taliyeyaashooda, waxaannu yidhi; “Dhammaan ciidammada qaranka, waxaan ku bogaadinayaa habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan difaaca iyo adkaynta nabadgelyada dalkooda hooyo. Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa in ay dedaalkooda laban-laabaan xilligan iyo in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo isku dayda in ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada iyo Xisbiyada intaba.”
“Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay murrashaxiintu xaq idiin kuma laha in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab, balse waxay xaq idiinku leeyihiin oo keliya in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa darteed waxaan idiinku baaqayaa in aad xil weyn iska saartaan ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.