Araweelo News Network

Burburka uu Qaraxu sababay

Muqdisho(ANN)- Tirada dadka ku dhintay Iyo kuwa ku dhaawacmay masiibada qaraxyadii ka dhacay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho maalintii Sabtida, ee todobaadkan, ayaa kor u dhaafay 600  qof.

masiibadaa oo ahayd qaraxyadii ugu miisaanka cuslaa oo geystay khasaarihii ugu badnaa, ayaa sababay dhimashada 281 qof, halka dhaawacuna marayo ku dhowaad 400 sida warar madaxbannaan tibaaxeen, balse xukuumadda Soomaaliya ee Federaalka, ayaa sheegtay in tirada dhaawaca inta la ogyahay tahay saddex boqol Iyo dheeraad.

“Weli waxa lagu guda jiraa gurmad qaran oo wixii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteen, halka inta kale ay dawladda federaalka iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ay aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroor-diiq heer qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.” Sidaa waxa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Dawladda Madaxweyne Farmaajo, waxa ay u mahad-celisay shacabka, ciidammada ammaanka, shaqsiyaad iskood isu xilqaamay, maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan cid kasta oo gacanta ka geystay gurmadka badbaadinta dadka ku waxyeelleebay qaraxyadaas oo socday ilaa shalay.

Sidoo kale, Madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaraha, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale, ayaa dhiiggooda ku yaboohay boqolaalka qof ku dhaawacmay weerakaas oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay guud ahaan dalka colaaduhu halakeeyeen ee Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga, Maraykanka, Qadar, Djibouti iyo Kenya, ayaa ballanqaaday inay gurmad degdeg ah oo caafimaad u fidin doonaan dadka ku dhaawacmay qaraxyadaas oo buux-dhaafiyey cusbitaallada iyo goobaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay falkaas oo xaaladoodu aad u liidato, ayaa shalay loo duuliyey dhinaca dalka Turkiga, iyadoo Turkigu dalka gurmadkii u horeeyay usoo diray masiibada ka dhacay Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa jira dad kala duwan oo raadinayaa shaqsiyaad eheledooda ahaa oo la aaminsan yahay inay ku dhinteen qaraxyada, kuwaasoo sida la sheegay markii cid ugu dambaysay ku sugnaa suuqa isgoyska Zoobe ee weerarka mashaqada badan dhaliyey ka dhacay.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee ay dad tiradoodu intaas le’eg tahay goob keliya ku wada dhintaan qarax taariikhda dalka Soomaaliya oo muddo nus-qarni iyo dheeraad ah dagaallo baahsan ka socdeen, iyadoo qaraxyo sanadii u danbeeyay ka dhacay halkaa oo Khasaare dhimasho Iyo dhaawac sababay ay sheeganayeen kooxda Al-Shanaha ee dagaalka kula Jira dawladda Soomaaliya Iyo Ciidamada Shisheeye ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliyaa, balse ma jirto Ilaa hada qaraxan lagu hoobtay did sheegatay.