Araweelo News Network
Mashruucani Ma ka badbaadi Doonaa wadadii ay Mareen Mashaariicda Sanduuqa Somaliland Development Fund

Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax dhigaya mashruuca Dhaamka Xumba weyne 28 December 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax dhigaya mashruuca Dhaamka Xumba weyne 28 December 2015


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta safar gaaban ugu baxay deegaanka Xumbo weyne, halkaas oo uu dhagax-dhigay Dhaam Biyood weyn oo lagu qiyaasay kaydin doona 500,000 Metric Cubic, oo laga hirgelinayo deegaankaa .

xafladii xunbaweyne

xafladii xunbaweyne

Dhaamkan oo qayb ka ah mashaariic Dawladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday Somaliland, waxa uu qaban doonaa Biyaha Buuraha ka soo rogmada ee badda ku shubmi jiray, kuwaas aan hore looga faa’iidaysan jirin, waxaana sidoo kale loogu talo-galay in ay dadka deegaanku wax ku Beertaan oo uu wax ka taro wax soo saarka dalaga Beeraha oo ku fiican deegaanka.

BUdhiga Mashruuca Biyo xidhenka Dhaamka

BUdhiga Mashruuca Biyo xidhenka Dhaamka

Sidoo mashruucan Dhaamka ah, noqon doona kayd balaadhan oo Caasimadda Somalialnd ee Hargeysa ka hesho Biyo marka loo baahdo. waxaana la sheegay in mashruuca dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, iyadoo dawlada Imaaraadka Carabtu fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima. sida laga sheegay munaasibada Madaxweyne Siilaanyo ku dhagax dhigay goobta laga hirgelinayo dhaamka.

” Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna u mahad celiyay dawlada Imaaaraadka Carabta.

waxa kale munaasibada dhagax dhiga hadalo kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Biyaha, Baashe Cali Jaamac, Gudoomiyaha Degmada Laasgeel, Odayaasha deegaanka iyo Masuul ku hadlaayey Afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka.

Dadweynaha Deegaanka, ayaa Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne casuumad qado ah ugu sameeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo shacabka deegaanka ku dhaqan u jeediyay hadal kooban, isagoo ku dhiiri geliyay wax soo saarka Beeraha iyo sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, isla markaana u ilaashan lahaayeen mashruucaa Dhaamka ee lagab samaynayo deegaankaa.

Mashruucan ayaa lagu tilmaamay inuu noqonayo kii ugu balaadhnaa dhinaca Dhaamamka ee Somaliland laga hirgeliyo, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xiligii Ololaha shan sanadood ka hor balan qaaday inay mashaariic biyo xidheeno ka samaynayso dalka, balse mudadii shanta sanadood ee la doortay dhamaatay, iyadoo aan loo dhaqaaqin arrimahaa iyo kuwo kale ooka mid ahaa balanqaadyadii Madaxweyne Siilaanyo xiligii kaanbaynka ee xisbiga Kulmiye uu hoggaaminayay ka dhawaajin jiray, balse waxa si fiican loogu niyad samayn fulinta mashruucaa oo laga cabsi qabo inuu maro wadadii ay mareen boqolaal mashruuc oo ay madax weynaayeen kuwo qayb ka ahaa mashaariicda loo bixiyay sanduuqa Somaliland Development Fund (SDF), kuwaas oo aan cidna ka warqabin halka ay mareen iyo sida loo maamulay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380