Araweelo News Network
Passport1
Mogadisho(ANN)Hay’adda Sirdoonka Somalia, ayaa faafisay Dukumentiyo iyo cadaymo muujinaya inay Hay’adda Al-Khumayni ee Aayatulaha Dalka Iran ka waday mashruuc lagu faafinayo Mad’habta Shiicada.

Hawlgal Sirdoonka Somalia sameeyeen, waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba Nin oo fulinayay hawshaa, kadib munaasibad todobaadkii hore ka dhacday Magaalada Muqdisho oo lagu maamusayay xuska dhalashada Nebi maxamed CSW, taas oo mashruuca faafinta shiicada laga dhex waday, iyadoo kooxo dhalinyaro ah guur wadareed loo sameeyay halkaa, kuwaas oo hadyado la gudoonsiiyay.
sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Somalia, waxa fulinayay mashruuca hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni oo ku hoos jirta safaaradda Iran ku leedahay Muqdisho, waxayna sirdoonku sheegeen in labada Nin ee la qabtay kala yihiin, Muxsin Xuseen iyo Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin, kuwaas oo aan ahayn Diblamaasiyiin siada Hay’adda sirdoonku sheegtay.
Saraakiisha Sirdoonka qoraal ay arrintaa kaga hadleen, waxay ku sheegeen inay jiraan dad kale oo qaarkood yihiin masuuliyiin oo ku jira hawshaa, iyagoo xusay in safiirka Safaarada Iran ee Muqdisho si qarsoodi ah ku tago xaafadaha magaalada Muqdisho

“Barnaamijka Shiiceynta oo ciidamada sirdoonka ay muddo dheer ku daba jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay kuwaas oo laga bedalay mad’habkii Sunniga ee shaaficiga ah oo loo bedalay shiico, kaas oo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Hay’adda sirdoonka Somalia.

Mashruucan, waxa qyb ka ah sida ay sheegeen Sirdoonka Somalia in dad dhallinyaro ah loo qaado dalka Iran, kuwaas oo laga xusho Ururada Bulshada sida NGO-da, iyadoo Iran bixiso deeq waxbarasho oo ah heer jaamacad oo gaadhsiisan heer Master, waxaana dadka loo dirayo waxbarashadda laga xushaa jaamadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

sidoo kale waxa lagu oggaaday baadhitaanka sida ay Sirdoonka Somalia sheegeen inay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xidhiidh wada shaqeyn ah ay leedahay Hay’adda AlKhumayni iyo safaaradda Iran ee Muqdisho, iyadoo barnaamijka fidinta Shiicada ee Somalia ku waajahan ay ka qayb qaataan saraakiil ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Kacaanka Iran, kuwaas oo hawlgalo qarsoodi ah ka sameeya gobolada dhexe iyo deegaamo ka mid ah Puntland sida magaalada Qardho. sidoo kale waxay sheegeen Safiirka safaarada Iran ee Muqdisho oo door weyn ka cayaara hawshaa fidinta mad’habta Shiicada uu dhuumasho ku tago degmooyinka magaalada Muqdisho.
Somalia ma jirto dawlad awood leh oo ka jirtaa tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia 1991, waxaana mudadaa ka socday dagaalo ka dhigay fawdo, iyadoo ay ku hirdamayaan dalal shisheeye oo kala siyaasado iyo mabaadii ah, kuwaas oo ay dhex socdaan qorshayaal la xidhiidha dhinaca caqiidada oo Bulshada soomaalida loogaga faa’idaysanyo burburka iyo fawdada ay horseedeen dagaalada ka socda dalkooda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380