Araweelo News Network

Riyadh(ANN)-Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa la saxeexday dalka Sucuudiga heshiish ku kacaya Malaayiin dollar oo sida uu sheegay shaqooyin ay ka helayaan kumanaan Sucuudiyaan iyo Maraykan ah.
Madaxweyne Trump oo ka qaybgalay shir hoggaamiyayaasha dunida muslimku ku lahaayeen magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga, wuxuu halkaa kulamo kula yeeshay hoggaamiyaal Carbeed, kuwaas oo Mareykanka kala shaqeeya la dagaallanka hawlgalada loogu yeedho Argagaxisada.

Munaasabad ballaadhan oo ka dhacday Qasriga Boqortooyada Sacuudiga oo qayb ka ahayd soo dhowaynta Madaxweynaha Maraykanka Trump, ayaa ahayd xaflad qoob ka ciyaar ah oo si gaar ah loogu sameeyay Trump iyo xaaskiiska, iyadoo koox Fanaaniin ah goobta kusoo bandhigeen ciyaaraha dhaqanka ee laga ciyaaro dalkaa.

Balse Koox Music-ga tunta oo ka tirsan shaqaalaha aqalka cad ee Mareykanka ayaa goobta ku sugnaa, waxayna ahayd munaasabad muujinaysa in ay walaaloobeen maamullada Aala Sacuud iyo Mareykanka oo xukuumadda Sucuudigu caan ku tahay in ay gacan saar la yeelato Madaxda dalka Maraykanka.

Sidoo kale Haweenayda MelaniaTrump ayaa qeyb ka ahayd soo dhowaynta cayaaraha ay dowladda Sacuudiga u samaysay Seygeeda oo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxay si gaar ah markaa kaddib ula kulantay Haween ka mid ah kuwa sucuudiga, kuwaas oo ay sheegtay in ay u rajanayso wax ay ugu yeedhay xoriyad iyo in sida ay ku sheegtay MelaniaTrump bogged Twitter-ka Bqortooyada Sucuudigu meesha ka saari doono sharci ay sheegtay in dumarka lagu takooro..


Dhinaca kale Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa billad dahab ah guddoonsiiyay Hoggaamiyaha Mareykanka, sawirro goobta lagasoo qaaday waxa ka muuqanaya King. Salmaan oo qoorta u gelinaya Madaxweyne Trump Billad dahab ah oo lagu qiyaasay lacag mallaayiin dollar ah in ay gaadhayso.

Maaha markii u horaysay ee Amiir kasoo jeeda Qoyska Al-sacuud eek a taliya dalkaa ay qoorta u sudhaan Madaxweyne Maraykanka ah oo booqasho ugu tegey dalkooda, balse Cabdalla Bin Cabdicazii Boqorkii hore ee Sacuudiga ayaa sidan oo kale sanaddii 2009 Billad Dahab ah uguddoonsiiyay Brack Obama Madaxweynihii Hore ee Mareykanka.

Sidoo Madaxweynihii ka horeeyay Obama ee Maraylkanka Mr. Bush ayaa sidan oo kale Bilad dahab ah oo qaali qoorta loo sudhay, waxayna dhacdooyinkaasi noqdeen kuwo caalamka Islaamka ee dhibaatooyinka iyo faqriga la ildaran aan laga soo dhowayn.