Araweelo News Network

Sana’a(ANN)-Madaxweynihii  hore ee dalka Yemen  Cali Cabdalla Saalax, ayaa lagu dilay dagaal maalmihii u danbeeyay u dhexeeyey Malayshiyada ay xulufada ahaayeen ee Xuutiyiinta.

Sidaana waxa shaaciyay Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah, kaas oo baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “lasoo afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda” Cali Cabdalla Saalax.

Sidoo kale qaar Ka mid ah  xisbiga Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka qof aad ugu eeg Cabdalla  saalax oo dhaawacyo xun ay ka muuqdaan an madaxa.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dilay, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Cali Cabdalla Saalax iyo kooxda Xuutiyiinta oo dagaal kula jiray xulufada Sucuudiga, waxayna Cali Cabdalla Iyo Xuutiyiintu sidoo kale  dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdirabo Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka lagaga tuuray kacdoon, ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhinaca maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca, ayaa sababay Arbacadii  dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta, kaas oo ugu yaraan 125 qof  ku dhimatay, 238 kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweynihii hore Cali Cabdalla, ayaa Sabtidii ku baaqay “in bog cusub la furo” isagoo. Sheegay inuu taageerayo Madaxweynaha ay xulufada Sucuudigu wataan ee Cabdirabo Mansuur Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yemen iyo xannibaadda ay ku hayaan dhulka Badda Iyo Cirka.

Cabdurabo Mansuur Haadi, ayaa  soo dhoweeyay dhawaaqa Cali Cabdalla Saalax. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “Afgenbiyayo isbahaysigooda oo aanu weligiiba aaminsanayn”

Dagaalka Yemen Iyo duqaymaha xulufada Sucuudiga oo bilaabmay 2015, waxa  ku dhintay dad ka baddan  8,670 qof, halka 49,960 qof ku dhaawacmeen, sida  ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.