Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Prof. Cali Khaliiif Galaydh, ayaa ka xog-waramay kulan uu laba jeer oo kala duwan la qaatay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo waraysi siiyey laanta Afsoomaaliga ee BBC-da , waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay sidii loo dhisi lahaa dalka Somaliland oo la wada leeyahay.

“Waannu is aragnay Madaxweynaha la doortay, hadda intii la doortay ilaa laba jeer ayaannu is aragnay, runtii waqti badanna waannu isku helnay, waxyaabaha aannu ka wadahadlaynayna arrimaha guud ee Somaliland ayey ahaayeen.

Waa run Muuse, xisbigaa (KULMIYE) uu ka tirsanaa ayaa maamulka gacanta ku hayey, rag ay xisbigaas wada yihiin ayaannu muddo laba sanno ah arrimahaas wada wadnay, Muuse-na runtii waxa ahaa nin mus-dambeedka ah oo maamulka ah oo heshiiska suurtogelinayey ayuu ahaa. Markaa wixii go’aan aannu hore ugu soo heshiisnayna waa la socday, tii uun baannu maanta isla soo qaad-qaadnay iyo doorashada oo aan isaga, xisbiyada kale ee mucaaridka ah iyo shacabka Somaliland aan ku bogaadiyey sidii nidaamka fiican ahayd ee nabadda ah ee wax walba ku dhammaadeen,” ayuu yidhi Prof Cali Khaliif.
Waxa kaloo su’aalaha laanta Afsoomaaliga ee BBC-du waydiisay iyo jawaabaha uu ka bixiyey u dhaceen sidan;
BBC Somali: Waxa in Khaatumo iyo Somaliland ay Caynabo muddo bil ka hor ah Madaxweynaha hadda xilka wareejinayaa Axmed Siilaanyo aan ku kala saxeexateen heshiis qodobadda ugu muhiimsan ahaayeen; in Somaliland la wada leeyahay, in Somaliland la dhiso, inay Somaliland tahay muqadas midnimadeedu, in ciidammada Khaatumo lagu qarameeyo ciidammada Somaliland. Arrimahaasi ma ka wada hadasheen, sidee’se baad Muuse Biixi u aragtaa inuu arrimahaasi fulinaayo?
Cali Khaliif: Muuse Biixi iyo labada xisbi ee mucaaradka ah intuba taageero buuxda ayey wada siiyeen wadahadalladaas iyo heshiiskaas waannu wadagalnay, Muuse-na isagana xisbigiisa ayaaba maamulka gacanta ku hayey, shirkaa isagu nooma iman oo nalama joogin, isla markiiba maalmo ka bacdi Caynabo ayaannu ku shirnay, heshiiskana wuu hayey.
Qudbadihiisii iyo markaa uu loollanka adag ku jirayna, waan ku soo qaaday isaga [Muuse Biixi], Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe-ba, qudbadahoodiina way ku soo darayeen, hadda intii doorashadu dhacday saddexdoodaba waannu is aragnay. Nasiib-wanaag, waxay saddexdooduba inay leeyihiin; ‘100% waannu taageeraynaa.’ Halkii laga sii amba-qaadi lahaa heshiiskaasina inuu hirgalo ayey wada diyaar u yihiin.
BBC Somali: Qodobkan ah in Somaliland la wada leeyahay wax laga beddelo, maxaad ujeeddaa?
Cali Khaliif: Waa la wada lahaa Somaliland Protectate (maxmiyaddii Somaliland ee xilligii Ingiriiska), laakiin Somaliland maanta magacan maamulka yeelatay, way jiraan dadyow iyo af-raad (xubno) ka tirtirsan. Laakiin, annagu haddii aannu Khaatumo nahay waxa aannu u arkaynay in aan bahasha la wada lahayn. Doorashooyinkan dhulkan intan ka dhacaayey amma ha noqdeen aagaga aannu ka nimi ka maagay inay is-diiwaangeliyaan, oo markii ugu horreysay ayuunbay (vote) codbixin ka qeybgaleen, weliba dadka xooggiisu inkasta oo aanay is-diiwaangelin, wixii la wada leeyahay amma ha noqoto hay’adaha dastuuriga ah, Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo hay’ada kale ee dastuuriga ah. Waa run meel walba af-raad waa laga helayaa dhulkaa ka timi, laakiin meel talada wax miisaaman lagu leeyahay, oo markii hore dareenku waxa uu ahaa in aan loo wada dhammeyn.
BBC Somali: Markaa ma waxaad sheegaysaa xaggii saami-qeybsiga ee ku saabsan awoodda oo kale miyaa?
Cali Khaliif: Saami-qeybsiga amma awood-qeybsiga, laakiin waxa jira arrimo annaga micno weyn noogu fadhiya oo ah; Somaliland haddii ay tahay, meel la wada leeyahay. Waa inay ka muuqataa dareenka ah aannu qabno habkan hadda uu maamulku ku socdo, arrimo annaga noo gaar ahayn oo meeshan sharci, kala-dembeyn iyo caddaalad suggani inay jirto, in aan amar-ku-taagleyn qof amma kooxi ku kacdaa aanay jirin. Arrimahaasina waxaan u malaynayaa in aan Khaatumo ahaan keligayo gooni ugu dooddayn oo dadka dhan ay u leedahay, kuwa noo gaarka ahina waa kuwa awood-qeybsiga ah.
BBC Somali: Ma talan awood-qeybsiga oo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka beesha aad ka soo jeedo ayaa haysa, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Guurtida waxa leh Sanaag-bari, Wasiirro badan oo cul-culus ayaa jira. Markaa ma waxaad doonaysaa in dastoorka la beddello, matelan Madaxweyne-ku-xigeen labaad oo kale la sameeyo?
Cali Khaliif: Maya, waxa aannu annagu hadda cayimayno oo odhanayno; ‘Intaas ayaannu ka rabnaa.’ Laakiin, haddii aad heshiiskaas fiirisid oo eegto, awood-qeybsigu amma ha noqdo fulinta – xukuumadda amma Baarlamaanka amma Golahan Guurtida amma civil service-ka (shaqaalaha dawladda), caddaaladda, iyo ciidammada, annagu waxaan qabnaa intuba inay noqoto wax caddaalad ku dhisan, oo kuna dhisan aaggaas aannu ka nimi mawjado kale ayaa ku furan.