Maraykanka Midawga Yurub Iyo Midawga Afrika Oo Wadajir Uga Hadlay Xiisadda Ka Dhalatay Heshiiska Somliland -Ethiopia

#Araweelo_News_.Network.

Kampala (ANN)- Maraykanka, Midawga Yurub, Ururka Midawga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD, ayaa ka Digay xiisadda ka Dhalatay Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo dawladda Federaalka ee Somalia si weyn uga cadhaysiiyay.

AU, EU iyo Maraykanka waxay sheegeen inay aqoonsan yihiin madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya , oo ay ku jirto gobolka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Xiisad ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Ethiopia oo aan Bad lahayn ay 1-dii Jan 2024, heshiis la gashay Somaliland si ay Badda u hesho. Somaliland ayaa iyaduna rajaynaysa in Ethiopia ay dhawaan u aqoonsato Somaliland innay tahay dal madax-banaan, taasoo ka cadhaysiisay Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Michael Hammer, ayaa sheegay in xiisadda Ethiopia iyo Somalia ay dhiirigelinayso kooxaha mayalka adag.

Hammer waxa uu sheegay in Maraykanku uu si gaar ah uga walaacsan yahay in xiisadahaasi ay wiiqi karaan dadaallada uu caalamku taageerayo ee lagula dagaallamayo xagjiriinta xidhiidhka la leh Al-Qaacida ee Soomaaliya.

Dhankiisa Annette Weber, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa sheegtay in labada qalalaasuhu ay xidhiidh ka dhexeeyaan Badda Cas, taasoo ay ku tilmaantay marin biyood halis ah oo qaada 10 boqolkiiba shixnadaha caalamiga ah.

Weber waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga jawaabo dalalka Geeska Afrika weerarrada lagu qaaday maraakiibta ee fallaagada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen

Ergeyga Maraykanka iyo Midawga Yurub, ayaa si adag ugu Hadlay dagaalka Suudaan, waxayna Midawga Afrika kala mawqif noqdaan werwerka laga qabo Dagaalka Suudaan iyo xiisadda sii kordhay ee Ethiopia iyo Somalia.

Dhinacyada ayaa ugu baaqay dhinacyada Suudaan innay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, isla markaana ay fuliyaan ballanqaadyadii dhawaa ee ahaa joojinta dagaalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay qaadi lahaayeen tallaabo waafaqsan sheegashadooda ah innay doonayaan innay joojiyaan dagaalka ayna daboolaan baahida dadka,” ayuu yidhi, Hammer.

DIblamaasiyiinta ayaa arrimahaa ka hadlay kaddib markii urur goboleedka IGAD, ay shir deg deg ah ku yeesheen magaalada Kampala, kaas oo madaxda dalalka ay kaga hadleen dagaalka Suudaan iyo xiisadda sii kordheysa ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

#Araweelo_News_Network.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com