Araweelo News Network

n this file photo, hundreds of newly trained al-Shabab fighters perform military exercises in the Lafofe area, some 18 kilometers (11 miles) south of Mogadishu, Somalia. (Photo by AP)

Washington(ANN)- Dawladda Maraykanka, ayaa sheegtay in ciidammadoodu duqayn dhinaca cirka ah ku dileen dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya ee colaaduhu ragaadiyeen muddo nus-qarni ka badan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka shalay, ayaa lagu xusay in weerar diyaaradahooda dagaalku ku qaadeen saldhig xoogagga Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Saakoow, Gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya ay ku dileen ilaa 8 ka mid ah dagaallamayaasha kooxdaas habeennimadii Axadda toddobaadkan.
“Maraykanka waxa uu ku qaaday weerar duqeyn ah isagoo kaashanaya waddamada gobolka fadhiisin kooxda Al-shabaab ku leeyihiin koonfurta dalka Soomaaliya, Axaddii iyadoo lagaga jawaabayo falal dhowaan uu geystey ururkaas, waxaanan weerarkaas kaga dilnay in ka badan 8 dagaalyahan,” ayaa lagu yidhi war kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Muqdisho Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa isaguna geestiisa warbaahinta u sheegay shalay, in millatariga maamulkiisa oo kaashanaya ciidammada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya burburiyeen xero tababar dagaalyahannada Al-shabaab ku lahaayeen meel ku dhow degaanka Saakow.
Ma aha markii ugu horreysay ee ciidammada Maraykanku weerar dhinaca cirka la beegsadaan saldhigyada xoogagga Al-shabaab oo intooda badan ku yaal degaannada koonfurta dalka Soomaaliya, duqaymaha Lala Beegsado Al-Shabaab Ayaan waxba Ka bedelin xaalada Ammaanka ee Soomaaliya.