IMG_7579-1Burco(ANN)Marwada Koowaad ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Weris Sh Maxamed Jirde ayaa Galabta kormeer ku Tagtay

Xarunta Agoomaha iyo Rajayda ah lagu xanaaneeyo ee URTAHEGAN iyo weliba Xarunta Daryeelka Darbijiifta Magaalada Burco, iyadoo Marwadu Xadhiga ka jartay Qaybo Cusub oo lagu soo Kordhiyey Xarunta URTAHEGAN Waxayna Marwadu halkaas kula sheekaystay Caruurta ku jirta Labadaasi xarumood iyado masuliyiinta xarumahaasina warbixino ku saabsan labada xarumood ka dhegaysatay.

Marwo Aamin waris sheekh maxamed jirde oo aad ugu faraxsanayd Booqashada xarumahaasi ayaa qol qol u gashay meelaha ay seexdaan iyo Goobaha ay caruurta agoomaha iyo rajayda ah ee URTAHEGAN ku jiraan, waxay sidoo kale Marwadu u ducaysay Marwo Foosiya.

Janaale iyo Nin Norweyji ah oo gacanta ku haya xaruntan URTAHEGAN iyadoo illaahay uga bariday inuu ka abaalmariyo dedaalka ay ugu jiraan soo saaridda iyo barbaarinta ubadkan, Marwo Amina Maxmed jirde marwada 1aad ee qaranka somaliland waxay kalo aad ugu ducaysay kuna bogaadisay dedaalkiisa Xildhiban Mubarik Bidhi oo isaguna gacanta ku haya xarunta Daryeelka Darbijiifka Burco, waxay Marwo amina maxamed jirde si gaar gaar ah ula sheekaysatay Dhalinyarada xaruntaasi ku xaraysan oo ay waydiisay faraqa u dhexeeya Noloshoodi hore iyo tan maanta ay ku jiraan, iyadoo Marwadu ballanqaaday labada xarumoodba inay si gaar ah ula socon doonaan xaaladooda, waxay Marwo Amina sheekh Maxmed jirde marwada 1aad ee qaranka somaliland u Ballanqaaday xarunta Daryeelka darbijiifta Burco Bas ay codsadeen maamulka xaruntaasi oo lagu dalxiis geeyo wakhtiyada qaar caruurtani si loogu dhiirigeliyo si aanay ugu noqon noloshii hore ee ay ka soo gudbeen iyadoo Marwadu aad ula dardaarantay.

Dhalinyaradaasi oo ay kula talisay inay jaaniska ka faaidaystaan oo aanay dib ugu noqon noloshii hore.

Marwada Madaxweynaha Somaliland iyadoo maanka ku haysa duruufaha dadka jilicsan waxay labada xarumood sidoo kale ugu deeqday midkiiba 7 neef oo adhi oo loo qalo carruurtaasi.

Marwo Foosiya Janaale oo gacanta ku haysa xarunta Caruurta agoomaha ah ayaa marwada sharaxaad ka siisay Xaruntan iyo sida ay u shaqayso iyadoo uga mahadcelisay gacanta ay ka hesho xaruntani xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyna axmed maxmed maxamud siilanyo.

Badhasaab- ku xigenka Togdheer Maxmed Diiriye xayd, Xildhiban Cabdilaki xasan nuur, iyo xildhiban mubarik bidhi oo iyaguna Goobaha ay marwadu bookhatay ka hadlay ayaa soo dhoweeyey Kormeerka Marwo Amina Maxamed jirde marwada 1aad ee qaranka somaliland ay ku tagtay Goobahaasi lagu daryeelo carruurta agoomaha ah iyo darbijiifka Burco.

Waxayna Tilmaameen in marwadu caanku tahay u gargaarida dadka jilicsan, agoomaha iyo  caruurta waxayna ugu duceeyeen in illaahay ka abaal mariyo kaalmada iyo gacan qabashada ay la barbar joogto dadka iyo jilicsan.