Araweelo News Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Inaa Lilaah wa inaa Ilayhi raajicuun Allah haw naxariistee wuxuu xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Marxuum Faysal Cabdullaahi Cabdalle oo ka mid ahaa haldoorka iyo rukumada Saxaafada Somaliland.

Marxuumka oo ka mid ahaa halyeeyadii tacabka badan geliyay geedisocodka safxaafada Somaliland iyo dhimaha qaranka, isla markaana ka mid ahaa Aasasayaashii Wargeyska Qaranka ee xilligan loo yaqaan Dawan oo loogu walqalay Maandeeq, wuxuu  bilawgii yagleelida saxaafada Somaliland ee casrigan ku lahaa door weyn ilaa oo xaqii u yimi 2 Jun 2021.

Marxuum Faysal oo noqday Markii Wargeyskaa Maandeeq la aasaasay Tafaftirihii ugu horeeyay, waxa lagu aasay Magaalada Too nee Duleedka Hargeysa 3 Jun 2021. Geeridiisa oo ahayd mid xaq ah, ayaa noqotay mid damqasho iyo murrugi badan. Ayuu yidhi, Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network, Carraale Maxamuud Jaamac, wuxuuna Marxuumka ku tilmaamay halyeey ka baxay Saxaafada Somaliland.

Guddoomiyaha wakaaladda wararka Somaliland ee Solna, isla markaana ka mid ah suxufiyiinta xagga qoraalka ugu khibrada badan oo marxuumka ay muddo sannado ah Wargeyska DAWAN, (Maandeeq), kasoo wada shaqeeyeen, ayaa qoraal uu kaga hadlay geerida naxdinta badan ee Marxuumka ku yidhi,”Allah ha u naxariisto Marxuum Faysal Cabdullaahi Cabdalle wuxuu safka hore kaga jiray odayaashii abaalka igu lahaa ee shaqada Saxaafadda igu soo gacan qabtay xilliyadii aan ku cusbaa.

 

Marxuumka maanta ayaan aaskiisa kaga qaybgalay Xabaalaha Toon ee Koonfurta Hargeysa.

Madax ayuu iigu soo noqday Wargeyskii Maandeeq, waxaanu ahaa qofkii ii fududeeyey ee ii soo xulay in aan Tifaftire ka noqdo Wargeyskii Maandeeq oo markii dambena loo bixiyey Dawan.

Wuxuu ahaa nin qalinka iyo qadarka EEBE ku kalsoon. ku samray xannuunkii muddo dheer cagaha ka hayey. wuxuu ahaa nin dhallinyarada gacan qabta isla markaana aan talada kagala bakhaylin.

 

Runtii wuxuu ahaa nin afgaaban haddana sheekaawi ah oo ILAAHAY ku manaystay xusuus aad rikoodh moodaysay. waayihii uu u soo joogay markuu kaaga qisoonayo wuxuu u soo dhigi jiray si xiiso leh oo aan laga xiso goynayn.

 

Kulliyadda Saxaafadda ayuu dhammaystay, waxaanu dabayaaqadii Siddeetamaadkii ka hawlgalay Radio Muqdisho. in badan ayuu waayo adag iyo qaar xiiso badan oo beri saamaadkiisii ka mid ahaa oo Xamar ku soo qabsaday iiga sheekeeyey.

 

Marxuum Faysal wuxuu ahaa Suxufiyiintii hibada iyo aqoonta u lahaa mihnada Saxaafadda ee duruufaha adag kaga soo shaqeeyey Warbaahinta dalka horaantii Sagaashamaadkii. wuxuu Weriyenimo kaga soo shaqeeyey Wargeyskii Jamhuuriya.

 

Waxa kaloo uu ku dambeeyey oo uu ka shaqeynayey ilaa uu ka hoyday Wargeyska Dawan oo uu xilalka sare ee Wargeyska oo dhan uu isku soo maray.

 

Marxuumka ayaa Tifaftire Guud iyo Guddoomiyaha Wargeyska, Guddoomiye xigeen, Tifaftire ku-xigeen,  . Ilaa imika waxa uu ahaa Suxufi sare iyo oday laga talo qaato oo ka tirsan Wargeyska Dawan.

 

Ilaahay ha u naxariisto Faysal Cabdullaahi Cabdalle oo ka mid ahaa dadka dalka u soo shaqeeyey ee daacada u ahaa shaqadiisa, inta uu ka tagayna Samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo.: ayuu qoraalka ku yidhi, Guddoomiyaha wakaaladda wararka Somaliland ee Solna, Cumar Maxamed Faarax, wuxuuna Allah uga baryay inuu u naxariisto oo qabriga u nuuriyo samir Iimaana kasiiyo  Qoyskii, Ehelkii asxaabtii iyo dhammaan Bahda Saxaafada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayba, waxan leenaahy samir iyo IImaan. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland (Somaliland Online Media Association), (SOMA) Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Saxaafadda Online-ka, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafadda Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum  Faysal Cabdullaahi Cabdalle oo ku geeriyootay hargyesa 2.June 2021, Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay guud ahaan Bahda Warbaahinta Somaliland,wuxuu door shariifa ka soo qaatay  dib-u- dhiska warbaahinta Somaliland, taariikhda dalkuna ay xusi-doonto, wuxuuna Allah uga baryay inuu u naxariisto oo qabriga u nuuriyo samir Iimaana kasiiyo  Qoyskii, Ehelkii asxaabtii iyo dhammaan Bahda Saxaafada iy qaranka Somaliland ee uu ka baxayba, waxan leenaahy samir iyo IImaan. Aamiin Aamiin Aamiin.

Sidoo kale, Tafaftiraha Guud ee Shebekaddaha Araweelo News Network, Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhammaan hawlwadeenada Shebekaddaha Araweelo News, waxay iyaga oo ka tiirsaanyaysan ka tacsiyaynayaan geerida Marxuum Faysal Cabdullaahi Cabdalle Allah uga baryayaan inuu u naxariisto oo qabriga u nuuriyo oo jana-fardawsa ugu deeqo, samir Iimaana kasiiyo  Qoyskii, Ehelkii asxaabtii iyo dhammaan Bahda Saxaafada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayba, samir iyo IImaan kasiiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Like Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com